Xulistii Xildhibaanada Jubaland oo soo Gabagaboobi doonta dhawaan

Xulista Xildhibaanada ay yeelan doonto Dowladda Jubbaland ayaa waxay ku dhowdahay gabagabo. Xildhibaanada lasoo xulayo oo tiradoodu gaareyso 65 mudane ayaa la soo gudbiyey intooda badan. Laakiin waxaa jira beelo aan weli Xildhibaanada meteleya keensan oo iyaga dhexdooda isku haya.

Qaybsiga tirada Xildhibaanada waxaa lagu saleeyey Degmooyinka uu ka kooban yahay Jubaland, arintaasoo qaar kamid ah beeluhu saluugeen. Guud ahaan saddexda gobol ee Jubaland ka kooban tahay waxaa loo qaybiyey 15 degmo kuwaasoo midkiiba la siiyey afar xildhibaan marka laga reebo Magaalada Kismaayo oo iyadu yeelan doonta 9 xildhibaan.

Waxaa qorshuhu ahaa in magacyada xildhibaanada la shaaciyo beri oo bisha March 19 tahay, balse waxaa jira walaac laga qabo in dib u dhac ku yimaado maadaama weli si buuxda tiradooda loo soo dhameystirin.

Puntlandes.com

About The Author