Sawiro: Madaxweyne Gaas oo gudoomay qalab caafimaad oo uu dalka Australia ka keenay Wasiir dawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18-3-2015 gudoomay qalab caafimaad oo uu dalka Australia ka keenay Wasiir dawlaha Madaxtooyada iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Dr. Maxamed Cabaas Cumar.

Xafladd kooban oo loo qabtay wareejinta qalabkaasi kana dhacday  aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Saadiq Eenoow, Agaasimaha wasaarada caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xasan  iyo saraakil katirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in qalabkaan baahi-weyn loo qabay, waxbadana uu ka badeli-doono daryeelka caafimaadka bulshada reer Puntland.

” Qof walba oo shaqsi ahi hayana shaqo dawladeed ama mid bulsho waxaa lagu qiimaynayaa laguna xasuusan doonaa markii uu meesha katago waxaa uu hayey iyo waxa uu suubiyey, Maxamed Cabaas isagoo wasiir dawle Madaxtooyo ah shaqadiisana aysan aheyn hadii uu intaas oo qalab ah keenay aad iyo aad ayuu ugu mahadsanyahay ”Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa Madaxda Wasaarada Caafimaadka Dawladda Puntland ka dalbaday in qalabkaan caafimaad sida uu yahay ay ugu faa’iideeyaan shacabka reer Puntland islamarkaana gaarsiiyaan meelba meesha ay uga baahi badantahay.

” Dadka si cadaalad ah waa in loo gaarsiiya oo ay isku si Puntland uga faa’iidaysato qalabkaan ayaan rajaynaynaa, gaar ahaan deegaanada fog-fog oo marar badan imkaaniyaadka dawliga ah sida ay tahay ugaarin ”Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Qalabkaan ayaa waxaa ay isugu jiraan Daawooyin, Sariiro casri ah oo lagu jiifiyo bukaanada, mashiino nooca dhaliya Oxygen-ka iyo sidookale mashiino lagu magacaabo Dialysis Machine ahna mashiin loogu talagalay in lagu daweeyo kelyaha.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_0789 IMG_0790 IMG_0793 IMG_0795 IMG_0796 IMG_0797 IMG_0799 IMG_0800 IMG_0806 IMG_0816 IMG_0817 IMG_0830 IMG_0840 IMG_0844 IMG_0846 IMG_0851 IMG_0859 IMG_0871 IMG_0874 IMG_0877 IMG_0882 IMG_0884 IMG_0889 IMG_0891 IMG_0892 IMG_0894 IMG_0904 IMG_0908 IMG_0909 IMG_0911 IMG_0913 IMG_0914 IMG_0915 IMG_0916 IMG_0917 IMG_0918 IMG_0919 IMG_0920 IMG_0921 IMG_0922

 

About The Author