Fadeexad-Dhagayso: Madaxweyne Dr Gaas oo Somaliland raaligelin ka siiyey ka hadlida dhulka ay ka haysato Puntland

Madaxweyniha Somaliland ayaa maanta qudbad uu ka jeediyey labada aqal ee Somaliland ku sheegay ín madaxwenaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu telefon kula soo xiriiray isla markaasna uu ”RAALIGELINA” ka siiyey waxyaalihii ay Xukuumada Dr Gaas saxaafada u marisay Somaliland oo ku saabsanaa dhulka ay Somaliland ka haysato Puntland.

Khuburada Siyaasada Soomaalida odorosa ayaa la yaabay waxa Dr Gaas ka doonayo Somaliland oo ku qasbay in uu telefon kula hadlo madaxweynaha Somaliland Mr Siilaanyo siiyana Raaligelin ku saabsan in Puntland ka hadasho dhulka ay Somaliland ka haysato Puntland. Iyagoo ku soo ururiyey, ma doonistii Kursiga Villa Soomaaliya ayaa Hargaysa galay oo cod buu ka doonayaa Somaliland? mise lacag uu ololaha doorashada ku galo ayuu ka doonayaa?

Dhagayso madaxweyne Siilaanyo iyo waxa uu ka yiri Dr Gaas


Dhagayso Wariyaha BBC da Cige o oka hadlaya qudbadii Siilaanyo


Puntlandes.com

About The Author