Nickolas Kay oo ka tacsiyeeyey geeridii Marxuum Ambassador Yusuf Bari Bari

Muqdisho: 28 Maarso – Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala  caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida  Xog-hayihii Joogtida ahaa  ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee  Jeneva, Mudane  Yusuf  Bari- Bari.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa weerarkii  argagixisinimo ee shalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa aad iiga yaabiyay sida argagixisada ay u qiima daraynayso nafta bani-aadanka  ee aan waxba gaysanin. Waxaa kale ee aan  ka xumaaday in aan ogaado in  Xog-hayihii  Joogtada ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midobay ee  Jeneva, Mudane  Yusuf  Bari- Bar iuu ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay weeraka, kadibna u dhintay dhaawicii soo gaaray xalay. Waxaa  (marxuumka) aad loogu xasuusanaan doonaa sidii ay ooga go’aneed in uu u difaaco una horumariyo Xuquuqul Insaanka Guud- ee baniaadamka.”

“Wakhtigan murugada leh, waxaan doonayaa in aan tacsi kal iyo lab ah u diro Dowlada Federaalka Soomaaliyeed,  Qaysaskii iyo Saaxiibaddii  dadkii ku dhintay amaba ku dhaawacmay weerarkan.”
Dhamaad.

About The Author