Sawiro: Madaxweyne Gaas oo la kulmay Madaxa hay’adda Caafimaadka aduunka WHO ee Soomaaliya Dr.Popal Ghulm

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii dambe aqalka madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madaxa hay’adda Caafimaadka aduunka WHO ee Soomaaliya Dr.Popal Ghulm iyo wefdi uu hogaaminayey.

Kullan uu Madaxweyne Gaas la qaatay Dr.Popal Ghulm ayaa waxaa kala qeyb-galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Wasiirka caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Saadiq Eenoow , Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Cabdirisaaq Xirsi Xassan Iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.

Waxaa kullanka intii uu socday looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Dawladda Puntland iyo hay’adda Caafimaadka adduunka WHO oo si habsami leh uga howlgasha gudaha Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa u sheegay madaxda hay’adda inay muhiim tahay inay kordhiyaan mashaariicda WHO ay ka fuliso Puntland , si adeegoodu uwada gaaro guud ahaan shacabka reer Puntland.

Dr.Popal Ghulm madaxa hay’adda WHO ayaa madaxweynaha u sheegay in lixbilood kadib si rasmi ah u dhamaystiri doonaan xaruntooda ugu weyn Soomaaliya, xaruntaas oo ay ka dhisanayaan Magaalada Garoowe ee caasiamdda Dawladda Puntland.

Masuuliyiinta hay’adda WHO ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku casumay in xaruntooda cusub ee magaalada Garoowe daahfuro marka la dhamaystiro dhismaheeda.

Ugu dambeyntii shirkaan oo looga wada hadlay arimo dhowr ah oo muhiim ah ayaa ku soo idlaaday jewi wanaagsan, waxaana diirada la saraay sidii loowada yeelan lahaa wadashaqayn joogto ah si looga mira dhaliyo u adeegida shacabka reer Puntland.

 

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

IMG_3847 IMG_3861 IMG_3871

 

Puntlandes.com

About The Author