Shalay ayaan waxaan dhagayestey  barnaamij loogu magac daray Wicitaanka dhegeystaha  oo uu marti ku ahaa Professor/Dr Cabdiwali Maxamed Ali Gaas.

Waxaa la waydiiyey su,aalo isku mid ahaa waxaana loo soo jeediyey dhaliilo isku mid ahaa. Waxaan rabaa in aan uga jawaabo Professor:ka hal su’aal  oo uu is waydiiyey, issagoo gocosho iyo beerlaxawsi ku laray. Wuxuu Daahir Ciiro waydiiyey waxa habacsanaanta iyo dhaqaalo ximida ugu waxcan wadankii u qiray in uu la wareegey issagoo dawlad rasmi ah .

Sida badan qofku wuxuu wax ku qaataa, ama ku cabiraa sida uu wax u wadaa in ay sax tahay iyo in ay khaldan tahay dadka su’aalaha waydiinayaa meesha ay maraan ama ay u bataan ”rayi caamku meesha uu u bato”. Dadku waxay u kala baxaan sadex. Waa midda koowaade waa in ay dhaliilaan cidda ay la hadlayaan, sida ay u dhanyihiin. Midaasi waa dhif iyo naadir, waxay kaliya oo suurto gashaa meel baabah ah oo aan wax lagu amaanaa aanay meesha oolin, haba yaraatee.  Waatan ay Soomaalidu ku maah maahdo timo isku meel uma wada xiirmaan oo micnaha dahsoon ee ku jiraa uu yahay in dadku sida badan ku kala qaybsamaan rayiga ama aragtida. Waa midda labaade waa lagu kala qaybsamaa arrin oo dadku waxay noqdaan qaar difaaca iyo kuwo wax dhaliila, iyadoo kuwa wax difaacayaa ay hal hays ka dhigtaan meesha ama waxa la wanaajiyeyey, kuwa wax dhaliilayaana ay tilmaamaan meesha gaabisku ka jiro.  Taasina waa sida loo badan yahay. Tan sadexaad ee ugu danbaysa waa in ummadoo dhammi amaanto dhaliishuna ayba ka reeban tahay, cidda ay arrintu khusayso. Inta badan waxay taasi ka dhacdaa wadamada kaligii taliska ah oo aan la ogolayn cabirka xorta ah ee dadka.  Su’aalo la waydiiyey oo isku mid ahaa waxa uu uga jewaabay Professor/Dr. Gaas sidatan.

Horta, dadku maxay u arki la yihiin mashaariicda socota iyo waxa aanu qabanay oo horumarka ah?

Markaas buu wuxuu tiriyey

Garoonka Boosaaso, Garoonka Garoowe iyo meela kale oo uu inta badan sheegto,  laakiin uu meesha yimid iyagoo socda,  uuse isku dayeyo in is illowsiiyo.

Jawaabtu waa

Dr./Professor, Intaasba dadku waxay ogaayeen in laguu tiriyey maalintaad xilka la wareegeysey. Oo aad qiraysey in aad Dawladnimo dhab ah la wareegtey.

Oo hadii aad wax kasta akhrido, cidina kaa gadan mayso anaa qabtay. Waayo Waxaa la ogaa in ay intuba socdeen, waxaa la hayaa maalinta uu Daahir Ciiro ku xusuusinayey in intaas iyagoo faah faahsan laguu tirinayey oo ay waliba duubantahay iyadoo maqal iyo muuqaal ah.

Marka sheegashada wax aadan lahayn in ay ceeb iyo dhogor murux waxaan ahayn oo ay kuu siyaadinaysaa malahee, ha sugin in sida aad u sheeganaysid loo arko. Illeen adaa is waydiiyeye maxay dadku u arki la yihiin???

Aan adiga su’aal ku waydiiyee?? Bal maxaad adigu u fahmi la, dahay in aysan soconayn sheegasho wax aadan lahayn??? Mise waxaad mooday inay shaqaynayso “Kuqabso ku qadimayside”??

Ninyohow talo walaal qaado oo sida isku dhaan. Oo arag adigu  in ummadu farta kugu wada taagayso. Ileen dhagoolihiiba waakii gartiisa ku qaatay markii ragii garta goynayey ay isaga wada eegeen. Ku cibri qaado oo kaliya in ummada soo wacday barnaamijka oo dhami ay wada dhaliilayeen xukuumadaada. Statistics:ka hadaad garanoyso  meesha popular vote:ku uu jiro waa cadaane. Ha indho adaygine istoosi oo waxa xukuumaddaada  ka khaldan isku day in aad saxdo.

Aniga waxay ila tahay in qaar badan oo xasad kugu ah ay saaxiib kula taliya yihiin. Oo ay jar kaa tuurayaan adna aad run u qabto Aabow Siyaadka!! Ka socota madaxtooyada.

1474

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author