Sawiro: Magalada Bosaso oo lagu soo dhaweeyay Qaxootigii ugu horeeyay oo ka yimaada Dalka Yeman

Mamulka Gobalka Bari iyo kan degmada Bosaso ayaa maanta markii kusoo dhaweeyay dekadda Bosaaso Qaxootigii ugu horeeyay oo Soomaaliyeed oo ka soo cararay dagaalada iyo gumaadka ka socda dala Yemen.
Dadkan oo qaarkood laga dareemayay dhibaatooyin kala duwan iyo xanuuno ayaa sheegay markii ay soo gaaraan Bosaso inay aad ugu faraxsan yihiin in dib ugu soo laabtaan dalkooda, waxana sii xoogaysanaya khalalaasaha Yeman ka aloosan.

Maayarka Bosaso Mudane Xasan Cabdalle Xasan ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonan Qoysaskan Soomaaliyeed ee dalka Yeman ka yimi, waxa kale uu sheegay qaarkood inay daryeel caafimaad u fidinayaan.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa warbaahinta u sheegay inay ka go’an tahay sidii loosoo dhawayn lahaa Qoysaska Soomaaliyeed ee dhibaataddu ku qabsatay dalka Yeman oo hadda go’aan saday inay dalkooda kusoo laabtaan.

Tan iyo markii ay sii xoogaysteen dagaaladda ka socda Dalka Yemen ayaa waxaa isi soo taraya walaaca laga qabo inay dhibaatooyin kala duwan kasoo gaaraan Kumanaanka kun Qaxootiga Soomaalida iyo Ajaanibta kale isagu jira, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay iyadoo la kaashanaysa dowladdaha saaxiibka yihiin dib loosoo celin doono Qaxootiga dalka Yeman ku sugan.
1 (1)

2

3

4

5

7

8

10

13

14

About The Author