Gudoomiyaha Gudiga dib u eegida dastuurka Jamhuuriya Federaalka Somaliya oo Gaalkacyo soo gaartay

0

Gaalkacyo (Pes): Gudoomiyaha guddiga dib u eegaya dastuurka qabyadda ah ee Somaliya ayaa gaartay 23.July.2014 magalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug.

Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa sheegtay imaanshaheeda Puntland inuu salka ku hayo sidii rayidka looga qayb galin lahaa doodaha laga yeelan doono dastuurka qabyada ah ee dalka oo aan ilaa iyo hadda la dhamaystiran.

Dr Gaas madaxwaenaha Puntland ayaa horay u sheegay in ay madaxda DFS kala tashadeen magacaabista Caasho Geelle Diiriye xili uu go’an yahay xiriirka Puntland iyo Xamar.

Wararka ay Puntlandes helayso ayaa sheegaya in xiriirka Gaas iyo Xasan Sheekh uu wanagsan yahay isla markasna ay leeyiihiin wadoshaqayn sharcidaro ah. Waxana cadayn kuugu filan socdaalo ay wasiiro DF ah ku yimaadeen deeganaadda Puntland kuwaasoo qaarkood sheegay inuu xiriirku wanagsan yahay.

Ilaa iyo waqtigan xaadirka ah lagama hayo Dr Gaas in uu u cadeeyo reer Puntland meesha ay ku heshiiyeen DFS iyo Puntland. Inkastoo uu 23-07-2014 mar uu hortagey Baarlamaanka Puntland uu sheegay in aysan iPuntland u oolin ee ay u taalo xubnaha Baarlamaanka uga jira Puntland DFS. Marka laga hadlayo wixii labedelay. Marka laga hadlayo dib u eegidana waxay u taalaa Caasho Geelle ayuu si geesinimo ku dheehan

Xukumaddii hore ee Puntland ayaa xiriirka u jirtay dowladda Xasan Shiikh Maxamuud, ka dib markii in ka badan 20 qodob laga badalay dastuurka KMG ah ee lagu wada heshiiyay. Oo aysan sharciyad u haysan in bedelaan wixii lagu heshiiyey.

 

Xafiiska wararka 

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *