Wafdigii Puntland ka tagay oo maanta la balansan in ay kulmaan madaxda ugu saraysa dowladda federaalka Somalia (Sawirro)

0

Muqdisho(Pes)) Wafdi isku jira Wasiiro,wasiir ku xigeeno iyo odayaal dhaqan shalay Garowe ka ambabaxay isla xalyna gaaray, (24-07-2014), Xamar ayaa maanta oo Jimce ah waxay la balansan yihiin inay kulmayaan madaxda ugu saraysa ee D.

Waftigan oo ka kooban 17 xubnood ayaa sababta ay Puntland Xamar ugu dirtay ay tahay in ay marka hore soo arkaan Qabriga Allaha u naxariistee xil Saado Cali oo maalinkii shalay lagu aasay Xamar ka dib markii doraad ay ku dishay Xamar gacan ka xaqdaran. Arinta labaad ee waftigani ay rabaan in ay ka codsadaan madaxda DFS ee Xamar ayaa ah inay DFS ku samayso baaritaan rasmiya sababta loo ugaansanayo dadka ka soo jeeda Puntland oo ay ugu dambaysay kii Saado Cali lagu dilay.

Waftiaga Puntland ayaa xalay markii ay gaareen Xamar kulan ku yeeshay Hotelka Maka Almukarama. Waxayna kulanka kaga hadleen qaabkii loogala hadli lahaa madaxa Villa Xamarsi ay ugu sameeyaan baaritaan dilalka masuuliyiinta Puntland kasoo jeeda loogu gaysanayo magalad Muqdisho.
Wasiiradda Xamar tagay  waxay kala yihinn,wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka warfaafinta, wasiirka qorshaynta,wasiirka Dastuurka iyo wasiir ku xigeenka waxbarashadda.

Waxaa waftigan madax u ah  Wasiirka Arrimaha gudaha Axmed Cismaan Garaash.

 

Daawo sawirada waftiaga Puntland ee Xamar jooga

267

268

269

270

271

272

273

274

 

xafiiska wararka

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *