Sawiro: Shirkadda Korontada Gaalkacyo oo taageertay Olalaha la-dagallanka Qaadka Soomaaliya

Mamulka iyo shaqalaha Shirkadda xooga korontada NEPCO‬ ee magalada Gaalkacyo ayaa maanta oo Khamiis ah taageeray Olalaha la-dagalanka Qaadka Soomaaliya, ka dib kulan ka dhacay hoolka Shirkadda.

Kulankan ayaa wuxuu dhexmaray Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid,mamulka NEPCO‬ iyo shaqalaha xaruntan, waxana laga wada hadlayay sida ugu wanaagsan ee bulshadda Soomaaliyeed looga wacyi galin karo dhibaatooyinka Qaadka.

Ugu horayntii mamulaha NEPCO‬ Mudane Yaasiin Maxamuud Indho-yare ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin barnaamijkan uu Qaaddiid doonaya in Qaadka Soomaaliya yimaada lagu joojiyo, sidoo kale waxa uu sheegay shirkadda uu maamulaha ka yahay inuusan ka shaqayn qof Qaad cuna ama ka ganacsada ayna sharuudaha ugu jirto inuusan ka shaqayn karin, wuxuna tilmaamay inay taageero ballaaran u hayaan Olalahan oo hadda si weyn uga hana-qaaday gobaladda Puntland.

Gudoomiyaha la-dagalanka Qaadka Abuukar Cawaale Qaaddiid ayaa ku dhiirigaliyay shaqalaha iyo mamulka NEPCO‬ sida wanaagsan ee ay bulshadda Gaalkacyo ugu addeegaan, una gaarsiiyeen Koronto tayo leh, waxa uu Cawaale uga waramay dhibaatooyinka uu Qaadku ku hayo Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed, sababta uu olalahan u bilaabayna ay tahay in nolashada carruunta yar yar loo bad baadiyo oo hadda loo diyaarsho mustaqbal ifaya, mamulka iyo Gobalka Mudug iyo kan degmadda Gaalkacyo ayuu ugu baaqay inay dhankooda sii wadaan wacyi galinta Qaadka.

Qaar ka mid ah shaqalaha shirkadda Korontadda ee NEPCO‬ ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in umadda laga bad baadiyo aafooyinka Qaadka, lana fahamsiiyo in sanad kasta dhaqaalahooda ku dhaco Qaanado ku yaala Dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Wacyi galinta la-dagalanka Qaadka ayaa gaaraya gobaladda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, si dadka Soomaaliyeed loogu bidhaamiyo faa’iidada ay dalalka dariska la ah Soomaaliya ka helaan.

1 1- 2 3 4 5 6 7 8 9 10 12

Olalaha la-dagallanka Qaadka Soomaaliya
DHAMMAAD
Qaaddiid2015@gmail.com

About The Author