Puntland oo guddi u saartey saameynta dagaalada Yemen

1916

Golaha Wasiirada Puntland oo maanta shirkoodii Khamiislaha ahaa isugu yimid ayey waxay uga hadleen dagaalda ka aloosan dalka Yemen oo deris kala ah Soomaaliya dhanka badda isla markaana aad ugu dhaw xeebaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Cali Gaas ayaa u magacaabey guddi heer Madaxtooyo ah, waxaana laga hagayaa gidigaas Xafiiska Madaxweynaha, waxaana guddiga ka mid ah

  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  • Wasaaradda Warfaafinta
  • Wasaaradda Amniga
  • Wasaaradda Dekada
  • Wasaaradda haweenka & Arrimaha qoyska
  • Wasaaradda caafimaadka ityo Wasaaradda Qorsheynta

Dadkii ugu horeeyey oo Soomaali ah ayaa Dekada magaalada Bosas oka so odegay shalay, waxayna dadkaasi gaarayeen 92 qof. Dadkaas Soomaaliyeed ayaa ka soo qaxay dagaalada ka aloosan dalka Yeman oo markoodii hore ay gabaad u doonteen.

Waxaa iyana wax lala yaabo ah in iyadoo ay dalka Yemen ku nool yihiin Soomaali lagu qiyaaso nus maljan in ay DFS tiraahdo waxaan taageerayaa kana mid noqonayaa Xulufada uu Sacuudigu hogaaminayo ee weerarka cirka ah ku qaaday Xuutiyiinta ka taliya Dalka Yemen.

Puntlandes.com

About The Author