Maxaad kala socotaa mashaariicda degmada Qow lagu cunay?

Walaalayaal qow waa degmooyinka puntland kuwooda ugu qanisan.
Qow waxaa 2006 markii beeshu ay goansatay iney dib u dhisto deegaankan beeshu waxay ku doorteen gudi uu madax waqtigaas ka ahaa rashiid xabiib iyo siciid maxamad waraabe xoghaynta gudiga iyo ku xigeen iyo dhaqaalaha oo loo magacaabey c risaaq diiriye dhugad oo hada ah general ugu sareeya ciidamada mariiniska puntland hadana wali taxaluf la leh gudoomiya rashiid saaxiib u dhawna ah.

Horay waxaanu u soo bandhignay dhaqaalihii iyo jagooyinka deegaanka ee gudoomiyuhu gatay iyo gacan saarka uu la yeeshay madaxweyne c wali cali gaas iyo dhaqaalihii safiirka laga qaatay.
Maanta waxaan idiin soo bandhigaayaa mashaariicda loogu talagalay deegaanka horumarkiisa ee dhaqaalahaas loogu dhiibey gudoomiyaha iyo xoghaynta iyo ciise maxamad ciise iyo jeneral c risaaq diiriye dhugad .
Waxaa deegaanka sahan iyo indho indheyn ku tegey gudiyo isugu jira aqoonyahano guurti iyo dhalinyaro si ay u soo ogaadaan dhaqaalaha lagu baxshey deegaankan inuu sidii la rabay u gaaray looga fuliyey waxay noo soo gudbiyeen warbixintaan.

Waxay sheegeen laanqeyrta cas ee dalka Kuwait biyo gelin tii degmada iney ku bixisay qaaraamo dhan ama aduun dhan $ 80,000.
Wax muuqda oo deegaanka ama degmada laga fushay ma jiraan dhulkii oo la qod qoday mooyaanee.
Waxaa ayana bixisay aduun dhan
$ 95,000 laanqeyrta cas ee isu taga imaaraadka carabta waliba waqti horana lacag ayey u baxsheen si loo soo jiida baaybabka biyaha ee magaalada u jiray 8 km lacagtaas ceel ayaa biyood horay loo qoday lakin hantidiisii ay kooxdani lunsadeen ilaa hada waxba laguma qaban xoolahaas waxaase aanu ognahay in la qaybsaday lacagta ayadoo ciise qaybtiisa goostay.

Waxaa jira lacag ay u soo direen jaaliyada reer uganda qaasatan dad aanu khayrbadan ku ognahay oo la yiraahdo ilma xaaji axmad reerkana magac u ah magacooda alaha raajiyo waa qoys mansha alaah wanaag iyo karaamo ilaahay u daaliyey xaga sadaqadana ugu horeeya ilaahay xoogooda iyo maalkooda ha barakeeyo.
Muwaadiniintaasu waxay ku tabaruceen oo dadkooda markey arken dayaca biyaha ka haysta waxay ugu deeqeen lacag biyo gelin ah oo dhan $58000.
Lacagtaas ilaa hada laa yaqaano halkey martay waxaase loo badinayaa in dhaqaalihii ciise maxamad ciise caanashubkiisii loo adeegsaday dadkii loogu deeqayna ay oon iyo haraad magaaladaan la fadhiyeen maalintaas magaalada booyado biyahaa la geeyey bosaso laga keenay.
Unicef oo baasaweyn u soo marisay lacag dhan $32800
Sidii ay caadadu aheed hawada lagu kala goostay waa ayaan daro in dad noocaana ay u mad hogaan u noqdaan.

600

Unicef sidoo kale waxay bixisay qalab kala duwan oo Tayo leh qalabkaas waxaa ka mida.
1.baaybabka noocyada aan horay ciidu u cunin oo quality ah qaalina ah kuwaas loogu talagalay galay in biyaha 8 da km ah loogu soo jiido degmada baaybabkaas waxay dhamaayeen 300 pcs suuqa bosaso ayaa lagu iibsaday deedna baaybab tijaariyah ayaa lagu soo badalay oo ayagana soo gaarsiin waayey waxaase rinjiyeeyeen haantii waligeed dhisneed iyo berkado laba xabo ah oo tuubooyinkaas lagu xidhay sidoo kale waxay baxsheen solar panels submerges panels 100 pls ah ayagana qaarna guryahoodaa lagu xirtay qaarna waa la beeciyey.

Hadaba horaanu u soo sheegnay kooxdani waa koox qawlaysatada ah oo burcada oo dhiigaa dadka masaakiinta ah jaqaaya waa ayaan daro dadka noocaasa in lagu aamino masiirka umad u baahan gargaar iyo daacadnimo in wax loogu qabto.
Kooxdan waa kooxda ka xishoonweydey dhiiga masaakiintaan tuulada daadsan iney cabaan.
Kooxdaan waa kooxdii u bareertay xoolihii iyo dhulkii markey ka soo jeesteen hadana iney saldanadii guunka aheed ee beeshu qadarin jirtay iney bililiqaystaan ayagoo awood ka helaayo madaxweynahaa puntland c wali cali gaas.
Kooxdan hadaan laga qaban mujtamaca mardhow dadkey suuqgeysanayaan.
Kooxdaan dhaqaalaha intiisa badan sidaanu ognahay waxay siiyaan alshabaab ka buuraha ku jira maxaa yeelay way la shaqeeyaan waxayna ka yihiin xubno muhiima.
Kooxdani waa alqaacidada khatarta ah ee deegaanadan puntland. 
Aawey guurtidii beeshan aaway wax garadkii beeshan aaway culimadii umadan aaway dumarkii qiimaha lahaa ee la qadarin jiray aaway dhalintii tanoo kale ka dhiidhiyi jirey manta waxuu deegaankan beeshu degto u baahanyahay badbaado iyo daba qabasho degdega ah.
Maanta waxay arinku maraayaa yaa maalijiray ??
Hadaa Wabilaahi tawfiiq

1917

1918

 

 

 

About The Author