Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta kulan ay la yeelato dawlad Goboleedyada dalka

24 Mars 2021 (Puntlandes)  Beesha Caalamka ayaa waxay wadaa dadaal qabsoomida kulan ay la yeelato dawlad Goboleedyada dalka ee Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle.


Beesha Caalamka ayaa kulanka maanta 24ka marso qorshay balse laguma guulaysan, maxaa yeelay Farmaajo ayaa shir kula lahaa Teendhada Afisyooni dawlad RW Rooble iyo dawlad  goboleesyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo taageera.

Ilo xog ogaal ah ayaa caddeeyey in Madaxwayne Farmaajo aanu jeclaysanaynin shirka dhexmaraya dawlad goboleedyada iyo beesha caalamka, waxaa kale oo uu ka biyo diidsan yahay ayay yiraahdeen qaab dhaqan ka beesha caalamka ee la xiriirta fariimaha is daba jooga ah ee ay maalmahaan soo dhigayaan saxaafadda ama baraha Bulshada.

Maalinta berri ayaa mar kale beesha caalamku isugu yeertay shanta dawlad goboleed, kadibna Farmaajo oo aan doonayn inuu shirkaasi qabsoomo ayaa barrito iclaamiyay shir kale oo maalintii afaraad ka dhacaya teendhada Afisyooni.

Waxaa si hoose shirar gaar gaar ah labadii habeen ee la soo dhaafay ugu lahaa xarunta xalane qaar ka mid ah dawlad goboleedyada kala aragtida duwan, iyo waliba xubno ka tirsan musharixiinta.
Madaxwaynayaasha Axmed Qoor, C/casiis Lafta gareen iyo Guudlaawe ayaa shir uga socdaa hoteel Decaale, waloow aan la ogayn wax ay ka wada hadlayaan iyo sida ay ka yeelayaan shirka beesha caalamku ugu yeertay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad in xaaladu ay faraha ka baxday rajada kaliya ee la qabana ay tahay go’aan si wadajira beesha caalamku uga qaadato ismariwaaga siyaasadeed ee salka ku haya in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Puntlandes.com

About The Author