Daawo muuqaal: Xildhiban Daahir mohamed oo eedeeyn culus u jeediyey Ciidamo ka tirsan NISA oo ka horjoogsaden guriisa

29 Mars 2021 (Puntlandes) Xildhiban Daahir mohamed oo ka mid ah xildhibanada laga soo doortay Puntland gaar ahaan degmada Galdogob ayaa waxa uu ku eedeeyey in Ciidamo ka tirsan NISA ka horjoogsaden guriisa in uu aado.

Xildhibanka ayaawaxuu degen yahay guri u dhow xarunta NISA isaga iyo xildhibano oo kasoo jeeda Puntland iyo Somaliland, inkasta oo uusan ku jirin xildhibanada 15 ahaa lakiin ee laga joojiyey 5 fadhi ayaa hadana wuxuu ka mid yahay Xildhibanada dhaliila hogaanka madaxweynihii muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed cabdulaahi Farmaajo.

Hadaba waxaa dhacday shalay galab isaga oo gurigisa u socda ay ciidanka NISA kala degeen gaarigii uu saarnaa goob koontarool ah oo gurigiisa ka sokeysa, waxaana magacisa askirigu ka akhriyey waraaq xildhibanadii la socday waa la fasaxay isagana waxaa lagu yiri hadii aadan laaban waa ku dilaynaya waxaa tahay qaran dumis.


Puntlandes.com

About The Author