Sawirro: Rooble oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

30 Mars 2021 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada ka dhaceysa dalka oo weli Madaxda aysan heshiis rasmi ah ka gaarin.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta iyo dhammeystirka arrimaha doorashooyinka dalka, si waafaqsan heshiiskii 17-kii September,2020 iyo soo jeedintii guddigii farsamada ee Magaalada Baydhabo.

Beesha Caalamka ayaa Rooble u sheegtay in muhiim ay tahay in xal buuxa laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada, isla markaana Madaxad dowladda Federaalka iyo kuwa dawlad Goboleedyada dalka ay Shir isugu yimaadaan.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo kala duwan oo ku aadan sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka taagan, iyagoona shalay kulan la qaatay Madaxda dowlad Goboleedyada, kuna boorisay inay sii wadaan kulamada hordhaca u ah Shirka guud ee Madaxda.


Puntlandes.com

About The Author