Dhagayso: Madaxweyne Deni “wasiirka hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu ku qabtay codka kii uu watay maaha”

07 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo waraysi siiyei VOA somali ayaa faah-faahin ka bixiyey shirkii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee Xerada Afisyooni oo natiijo la’aan kusoo idlaaday.

Fashilka shirka ayaa wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe waxa uu ku eedeeyey madaxda Jubaland iyo Puntland, oo uu sheegay “inaysan rabin” in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in muuqaalka dowladda sii deysay uu ahaa wax horay u diyaarsanaa, isagoo tilmaamay inay cadahay in dowladda aysan rabin shirka looga hadlayo sidii dalka doorasho loo wada dhan yahay loo qaban lahaa.

Madaxweyne Deni ayaa yiri “Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, wasiirka hadlay dabcan wuu nala joogay maanta dharka uu ku qabtay codka kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, mas’uuliyadeeda cida howshaas qabatay ayaa qaadi doonta”

Dhagayso waraysiga VOA-da la yeelatay Madaxweyne Deni

Puntlandes.com

 

About The Author