Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka oo cunaqabateyn ugu hanjabay Farmaajo

14 April 2021 (Puntlandes) Mareykanka ayaa sheegay inuu si aad ah uga xumaaday go’aanka Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen ee labo sano loogu Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

War saxaafadeed ka soo baxay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu sheegay si is daba joog ah ay horay ugu adkeeyeen inay muhiim u tahay nabada, xasiloonida, barwaaqada, iyo dowladnimada Soomaaliya in Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ay gaaraan heshiis la isku raacsan yahay oo ku saabsan dariiqa loo marayo geeddi socodka doorashooyinka.

“Waxaan sidoo kale si cad u sheegnay in Mareykanku uusan taageerin kordhinta amar bixinta iyada oo aan taageero ballaaran laga helin daneeyayaasha arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya, sidoo kale Mareykanku ma taageerayo hannaanka doorashooyinka ee isbarbar socda ama qeyb ahaan ah”ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka.

Tallaabooyinka noocan oo kale ah waxay noqon doonaan kuwo si qoto dheer u kala qaybiya, wiiqaya hannaanka federaalka iyo dib-u-habeynta siyaasadeed ee halbowlaha u ahaa horumarka dalka iyo iskaashiga lala yeelanayo beesha caalamka, waxayna ka weecinayaan ka hortagga Al-shabaab. Waxay sidoo kale dib udhac dheeri ah kuyimaadayaan qabashada doorashooyinkii balanqaadka ahaa ee shacabka Soomaaliyeed sugayeen.

“Dhaqangelinta sharcigan ayaa caqabad weyn ku noqon doonta wadahadalka, isla markaana sii wiiqi doonta nabadda iyo amniga Soomaaliya. Waxay ku qasbi doontaa Mareykanka inuu dib u qiimeeyo xiriirkeenna laba geesoodka ah ee aan la leenahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo ay ku jirto ka qeyb qaadashada diblomaasiyadeed iyo kaalmada, iyo in la tixgeliyo dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddidaadda safarada, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida.

Waxaan ugu baaqeynaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalada isla markaana ay isla meel dhigaan wadadii horey loogu mari lahaa xalinta xiisada doorashada. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan, sii wadaan wadahadalka, ayna ka fogaadaan ficillo dheeraad ah oo hal dhinac ah oo sii hurinaya xiisadaha isla markaana wiiqaya geeddi-socodka dimuqraadiyadda iyo hay’adaha Soomaaliya.

About The Author