Taliyihii Saldhigga Booliska Shibis oo ku biirey Ciidamada mudo kororsiga diidan

26 April 2021 (Puntlandes) Taliyihii Saldhiga degmada Shibis oo lagu magacaabo Farxaan Axmed Xasan Jaraaye, ayaa ku biiray ciidanka ka soo horjeeda Dowladda ee fadhigoodu yahay Aagga Mirinaayada ee degmada Cabdulcasiis.


Sida laga soo xigtey sarkaal ka tirsan ciidaka Booliska Taliye Jaraaye oo ay weheliyaan ilaaladiisa watana labo gaari oo nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan ayaa galay aagga ay ciidamada ka soo horjeeda muddo kororsiga ee ka yimid gobolka Sh/dhexe ay kaga sugan yihiin Muqdisho.

Taliyihii Saldhigga degmada Shibis Captain  Farxaan Jaraaye ayaa shir jaraa’id uu qabtay ayaa sheegay in uusan is dhiiban balse uu gartay in hooyooyin iyo carruur lagu dul dagaalayo iyadoo dagaalkaana uu yahay mid siyaasadaysan.

Farxaan ayaa ugu baaqay sarakiisha kale ee ay saaxibada ahaayeen in ay ku soo biiraan ciidamada ka soo horjeeda muddo kororsiga.

Waxaa weli ku sii biiraya ciidamada taageersan midowga Musharaxiinta ee diidan muddo kororsiga Madaxweynaha waqtigu ka idlaaday ee Farmaajo ciidamo kale kuwaasoo isugu jira kuwa Milatari ah iyo weliba Boolis.

About The Author