Akhri: Baarlamaanka Jubaland iyo Beel walba Xubnaha la siiyey + Beelaha Beesha Sade iyo Harti oo Gabi ahaanba Shirka Kismaayo

Warbaahinta Puntlandes.com ayey u suurtogashay inay ogaato sida Maamulka Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta IGAD u qaybiyeen Beel walba xubnaha ay ka helayso Baarlamaanka Jubbaland.
Odayaasha Dhaqanka oo doonayey in ay ogaadaan qaybsiga Xildhibaanada ay beel walba helayso ayaa hoolka shiraarka saaka islka soo xaadiriyey iyagoo ay  beeluhu aad u samluugeen qaabkii loogu dhawaaqay.
Xaalada Magaalada Kismaayo ayaa Galbta meel adag maraysay waxaan jira dareen cirka isku shareeray kaas oo Beelaha Shirka ka baxay ay kor u dhaafayaa ilaa 6 Beelooda oo ay ku jiraan Beelaha Harti iyo Sade.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa isku dayey in Beelaha Harti iyo Biyomaal uu ku qanciyo tirooyinka ay heleen,isla markaan ay ogalaadaan in ay qaataan tirooyinkaas,waxaanada moodaa in ay socdaan dadaalo,badan balse majirto wali wax natiijo ah oo ka soo baxday kulamo gooni gooni ahaa oo Kismaayo ka socday.

Halkan hoose ka akhriso inta xildhibaan ee beel walba ay Maamulka Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta IGAD siiyeen:

Beesha Sade 14 Xildhibaan
Beesha Absame 24 Xildhibaan
Beesha Digil Iyo Mirif 8 Xildhibaan
Beesha Harti 4 Xilhibaan
Beesha Cawrmale 2 Xildhibaan
Beesha Gaaljecel 3 Xildhibaan
Beesha Sheekhaal 2 Xildhibaan
Beesha Jareerwayne 2 Xildhibaan
Beesha Biyomaal Direed 2 Xildhibaan
Beesha Baajuun 2 Xildhibaan
Beesha Warday 1 Xildhibaan
Beesha Xawaadle 1 Xildhibaan.

Ugu dambayntii xaalada ayaa mid aad iyo aad u cakiran aana la aqoon sida ay ku xalinayaan Maamulka Jubbaland iyo Mas’uuliyiinta IGAD.

 

Wixii ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

 

About The Author