Madaxweynaha DFS oo ka hadlay taageerida duqeymaha Yemen ” hadii aan ka aamusno xataa kuma nabadgalayaan Soomaalidu”

Idaacada VOA ayaa waraysatay madaxweyne Xasan Sheekh mar ay weydiisay sababaha ay ku taageereen duqeymaha xulafada Sacuudiga hogaaminayo ee ay Yemen ka wadaan ayuu sheegay madaxweyne Xasan inay diidan yihiin la xoog lagu rido dowladda sharciga ah ee Yemen ka jirta

“Anagu waxaan mowqif ku qaadanay waxay tahay labo arrimood, dowladda sharciga ee Yemen ka jirta in xoog lagu bedelo waa diidanahay, arrimaha kale waa dadka xagjirka oo dhan xagjirnimada noocee doonta ha noqontee, Yemen waligeen siyaasad isku siyaasad ayaa ka aheyn la dagaalanka Al-Qaacida iyo kooxaha xagjirka”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha mar la weydiiyay in taageeradaas inay dhibaato u keeneyso Soomaalida ku nool Yemen, ayuu xusay in xataa hadii ay ka aamusaan aysan ku nabadgaleyn, isagoo xusay in dowladda ay ka qaadatay siyaasad cad oo lagu bad baadinayo Soomaalida Yemen ku nool.

“Maatida halkaas ku sugan dhibaato lama gaarsiinayo, dad ayaa ilaa iyo hada ka soo saarnay, kuwa kalena waa ku mashquulsanahay, hadii aan ka aamusno xataa kuma nabadgalayaan guri dab ka shidan yahay, waxay ku nabad galee dowladdu siyaasad cad oo lagu bad baadinayo inay qaadato, waana qaadanay Qaramada Midoobey laanteeda qaxootiga ayaa la wadaagnay, Dalalka Khaliijka la wadaagnay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Puntlandes.com

About The Author