DHAGAX DHIG IYO XARIG KA JARKA XUKUUMADA PROF GAAS WALI WAA MASHAARIICDII XUKUUMADII HORE HALKAAN KA EEG

Inka Badan Sanad Xukumadda Prof Gaas Dhagax dhig iyo Xarig ka jarka Mashaaricdu wali waa kuwii kasoo wareegay xukuumadii hore. Bal aan eegno Mashaariicda Socotay wakhtigii Xilka Lagu wareejay Xukuumadda Gaas, maxaanse bilaaban oo Dhaqaalahoodu diyaar ahaa Xukumadii Dr Faroole.

Mashaariicda Qabyada ah ee ay katagtay Xukumadii hore waxaa kamid ahaa Airport-ga  Bosaso, Xabsiga weyn ee Garowe, Waddada Galkacayo, Garacad,Wadada Garowe iyo  Eyl, Dhismaha Xarunta ‪#‎TV-ga iyo ‪‎Idacadda Puntland, Dhismaha Dhowr ‪#‎Wasaradood oo ay kamid yihiin Dalxiiska, Cadaaladda, iyowarfaafinta, Dhismaha Buundooyinka Midigar iyo Falayraale, Wadada Ceerigaabo iyo Ceeldaahir oo Qorshe heedu socday lkn Lacagteedu aysan diyaar ahayn markaas lkn Xukuumadda iyo Shacabkuba balan qaadeen inay dhisayaan. Mashaariicda ay keenta Xukumadii hore oo aan wali bilaaban waxaa ka mid ahaa Araboorka Garowe, ‪‎Jamacadda Maakhir ‪ee Baran, Balaarinta‪ ‎Dekedda Bosaso, Jidka isku xira ‪‎Bosaso iyo Galkacayo, Kastanka Puntland iyo Ethiopia ee Tuurdibi,, Dhismayaasha Xarumaha Hay’adaha UNICEF, ‪‎WFP,‪ ‎FAO iyo WHO, oo Dhamaantod Dhul ay ka dhistaan xarumahaas ka siisay Xukuumadii hore Caasimada Garowe, Wadooyin Laami ah oo dhamaantood kasocday Garowe, Qardho, Bosaso. Iyo Gaalkacayo.
Hadaba Xukuumadda Prof Gaas Shacabka ma ay u sheegikadhaa hal mashruuc oo ay keentay kadibna Bilowday haday jawaabtu tahay haa Xukuumaddu ha Sheegto Magaciisa iyo meesha laga fuliyay. Hadaba Puntland mahorumartay, Ma meesheedibay taagantahay mise waaba Dibdhacday.Waan hubaa in Dadbadan Dood kaqabi doonaan Arinkaan haka ahaato ogaal la’aan ama inkiraade lkn Xaqiiqada Qofkaan ogayn dib haw eego Xilwareejintii Madaxweynayaasha isbadalay iyo Documents-ka Wasaaradaha iyo Xafiisyada Dawlada yaal.

Daawo Xilwareejintii Madaxweynayaash

Qore Aqoon yahan Jaale Daahir

About The Author