XUKUUMADDA PROF GAAS OO KU FASHILANTAY QORSHIHII BANGIGA ADUUNKU KU CAAWIN LAHAA

Bangiga Aduunka oo horay u balan qaaday inuu dawladda Puntland ku taageerayo aduun maaliyadeed ayaa haatan arintaas wax iska badaleen kadib markii Banigiga Aduunku sheegay inaan xukuumadda hadda jirtaaa lagu aaminikarin maadaama uu jiro musuq maasuq baahsan iyo isla xisaabtan la’aan.

Miisaaniyaddii uu Baarlamaanka Puntland ansixiyey ee sanadka 2015 waxay ahayd  72 milyan oo doolar wuxuuna Wasiir Maaliyada ku soo daray oo ka mid ahaa Miisaaniyadda lacagtan uu Bangiga Aduunka ku Kabayo misaaniyada 2015, sida ay sheegtay Xuukuumada Gaas,  taaso ahayd aduun lacageed oo gaaraya 23 milyan oo doolar. Lacagtaas ay yiraahdeen Bangiga Aduunka ayaa naga kabaya lama hayo iminka

Mashruucaan Bangiga aduunku balan qaaday inuu Puntland ka taageerayo Mushaarka shaqaalaha dawladda ayaa heshiiskiisu soo bilaabmay Bishii 6-2013, waxaana Qorshuhu ahaa inuu bilowdo 25-4-2014, waxaase kuyimi dib u dhac waxaana Baanka aduunka iyo Puntland isla qaateen inuu bilowdo 25-4-2015.

Waxaana lasii diiwaan galiyay Shaqaalaha dawladda iyadoona la dhisay Xafiisyo Mashruucaas qaabilsan kuwaas oo laga dhisay Bangiga Dhexe ee Garowe. Qorshaha mashruucaas oo ay ahayd inuu bilaabmo bisha 4-2015, ayaa haatan dib u dhacay waxuuna u muuqdaa mid Puntland ku fashilantay kaaso haduu hirgalilahaa Dalka iyo Dadkaba waxtar weyn u lahaan lahaa.

Wuxuuna culayska dhaqaalena ka yaraynlahaa dawladda  isku soo wada duuboo Bangiga aduunka ayaa Dawladda Puntland ku xiray inay la timaado Qorshe cad oo Nidaam maaliyadeed oo hufnaan ku salaysan lehna isla xisaabtan dhab ah iyo Hantidhowr Madaxbanaan.

Waana hubaal inay wakhti kale oo horleh qaadanayso hadii uuba hirgalo mashruucaan inkastoo Dhaqaalayahano badan qabaan inay Dawladani adag tahay inay la timaadda nidaam lagu kalsoonaan karo.

Puntlandes.com

 

About The Author