Wiil uu Adeer u yahay Wasiirkii hore ee Dakadaha Siciid Maxamed Raage oo Dil lagu Xukumay

Gacan ku dhiigle Abdiqaadir Maxamuud Yuusuf Cali Finiin, oo horey uuga tirsanaa IStaafkii Wasiir Siciid Maxamed Raage, ayaa lagu Xukumay Dil Toogasha ah.

Ninkan Dilaaga ah ayaa isagu hayay Labo Shaqo oo kala ahaa, Dilaa Al Shabaab Ah Iyo Waardiyaha Khaaska ah ee Wasiirkii hore ee Dakadaha Puntland.  Wiilkan oo uu Adeer u ahaa Siciid Maxamed Raage ayaa lagu Soo qabtay Magaalada Gaalkacayo Isagoo gacanta kula jiray Howala Argagaxisanimo.

Sirdoonka Puntland ayaa muddo Baadi goobayay Dilaagan oo Marar kala duwan lagu Amray Adeerkiis Siciid Maxamed Raage inuu Soo gacan-galiyo. Nasiib-wanaag Waxaa Bishii Apriil 2014 Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay Dilaa Cabdiqaadir Maxamuud Yuusuf Cali Finiin, Dilaagan ayaa loo Soo Dhaa-dhiciyay Magaalada Bossaso oo Dambiyo kala duwan looga heystay.

Maalintii Khamiista oo ay Bishu ku beegneyd 16/4/2015 Ayaa lagu helay Dambiyadii oo dhan Isagoo qirtay inuu dilay 27-Qof oo ay ka mid Ahaayeen, Xildhibaan Abdilaahi Cali Kaarad, Xeer-Ilaaliye Maxamed Cabdi Awaare, Iyo Waxgarad Caan ka Puntland.

Dilaagan Manaxaha ayaa geystay Xasuuq Naxariis daro ah Xili aan la horkeenin Cadaalada intii uu Adeerkiis Siciid Maxamed Raage, Wasiirka ahaa. Maalintii Shalay ayay Soo buux dhaaf-sheen Ehelada Dadkii uu Xasuuqay Dambiile Abdiqaadir, Waxana Hal mar Sawaxan is-qabsaday Markii la Xukumay Dilaagan Manaxa ah.

Dilaagan ayaa sidoo kale Dilal ka geystay Magaalada Gaalkacyo intii uu joogay Isagoo daganaa Xaafada Baraxley.  Ugu danbeyntii Eheladii Marxuumiinta ayaa muddo kadib Cadaalada Eebe la helay Gacan ku dhiigle Abdiqaadir oo haatan La Toogan doono Maalmaha Soo socda hadii Eebe Idmo.  Majirto wax Jawaab ah oo kasoo baxay Qoyska Iyo Wasiir Siciid Maxamed Raage.

Puntlandes.com

About The Author