War deg deg: Xildhibaan barlamaanka dowladda Puntland ah oo goor dhowayd Muqdisho lagu dilay

1998

Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen Ismaaciil oo katirsanaa Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa goor dhowayd lagu dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan.

Kooxaha falkaan ka dambeeyay ayaa rasaas ku furay gaari uu lasocday xildhibaanka oo marayay xaafada taleex ee degmada Hodan.

AUN Xildhibaan Aadan ayaa howlo caafimaad u aaday magaalada Muqdisho gaar ahaa wuxuu magaalada Muqdisho u qaaday xaaskiisa oo xanuunasayd.

Xildhibaan Aadan ayaa noqonaya ka mid noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay ee katirsan barlamaanka Puntland oo Muqisho lagu dilo.

Wuxuuna marxuumka ka mid noqonayaa tiro xildhibaano oo kasoo jeeda Puntland, kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdihso bilihii ugu dambeeyay.

Puntlandes.com

About The Author