Breaking News: Mayorkii Garowe Oo Qabsaday Xaruntii Wasaarada Maaliyada Garowe

Wararka ka imanaya Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Ciidamo Taabacsan Maayarka Garowe Abdicasiis Nuur Cilmi ( Koor) Qabsashada Xarunta Wasaarada Maaliyada Garowe.

Qabsashadan ayaa loo sababeynayaa Mushahar xumo Soo Wajahadey Shaqaalaha Iyo Maayarka Garowe, Waxana ay arintani keentay iney Maanta Soo Weeraraan Qabsashada Xarunta Wasaarada Maaliyada Ciidamo uu wato Maayarka Garowe Abdicasiis.

Wasiirka Maaliyada Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa lagu qariyay Qolka keydka baqdin loo baqayay Naftiisa.

Waa Dhacadii Labaad ee Garowe ka Dhacda Tan Iyo Khamiistii oo Maalin cad Maxkamada Garowe lagala baxay Nin Burcad badeed ah Falkaas oo ay fuliyeen Ciidanka Madaxtooyada ee Madaxweyne Gaas.

Puntlandes.com

About The Author