XOG Kismaayo: Odayaasha Beesha Absame oo dhaliil u jeediyey Axmed Madoobe

Wararka  Puntlandes ka soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa Sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee Beesha Absame ay ku eedeyeen in Madaxwaynaha Jubbaland  Axmed Madoobe uusan taladooda qaadan.

Salaadiinta Beesha Absame ee Kismaayo ku sugan ayaa bilaabay inay dib uga  gurtaan taageeradii ay u hayeen madaxweyne Axmed Madoobe tan iyo markii la dhamaystiray soo xulida Xildhibaanada Baarlaanka Jubaland. Salaadiinta Beesha Absame ayaa waxay saluugeen tiradii faraha badnaa ee uu Axmed Madoobe ka siiyey Baarlaanka Jubaland

“Ninka Meesha ka aha Hogaanka ma aha nin talada iyo warka aan siino,ay kamid yihin go’aamada uu qaato, wuu na dhegeystaa, go’aankuu doono ayuuna qaataa, waa in ay Absamaha Ksiamayo Jooga Ogaadaan, Go’aamada uu qaadanayo Axmed Madoobe in ayna ahayn kuwo, Salaadiintu wax ka ogyihiin, Talooyinkii u danbeeyey ee aan Siinay Sicad ayuu u diiday, wuuna noo sheegay, in taladu isaga oo kaliya ka godo, Ma Sheegi karo waxbadan oo aan ognahay waana in dadku ay fahmaan Xaalada adag ee aan ku jiro” sidaas waxaa yiri Suldaan Cabdulaahi Cali Sonkor oo la hadlayey qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Beesha Absame.
Ugu dambayntii wuxuu kaloo Suldaan Sonkor intaa ku sii daray in Beesha Absame Masiir keeda deegaanada Jubbooyinku uu lumi doono hadii sidan wax ku sii socdaan.
Puntlandes.com

About The Author