(Sawirro) Xuubsireed oo ku wareejiyey xilkii Agaasimaha cusub ee hay’ada daryeelka bulshada Puntland.

0

319

Garowe (Pes): Agaasimahii hore ee hay’adda daryeelka bulshada Puntland Xuseen Maxamed Maxamuud Xuubsireed ayaa maanta xilkii ku wareejiyey agaasimaha cusun ee uu madaxwayne Gaas u soo magacaabay hay’addaas Maxamed Cabdirisaq Dayib Guure.

 

 

Munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacay xarunta wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha ayaa waxaa kasoo qeyb galay xubno kamid ah golaha wasiirada , xildhibaano, salaadiin , culima’adiin iyo marti sharaf oo goob joog ka ahaa xil wareejinta maamulka hay’addaas.

 

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha dowladda Puntland Cabdi Raxmaan Sheekh Axmed Cabdulle iyo wasiirka maaliyada Shire Xaaji Faarax ayaa si wadajir ah u sheegeen inay la shaqeyndoonaan oo ay garab istaagnaandoonaan agaasimaha cusub, iyagoona sidoo kale u mahad celiyay agaasimihii hore.

 

Waxaa kaloo ka hadlay xil wareejinta ka soo qaybgalayaashii oo uu ka mid ahaa Maxamed Faarax Ciise Gaashaan. Waxay u ku booriyeen ka soo qaybgalayaashu inuu maamulka cusub si daacadnimo ugu adeego dadka danyarta ah ee uu madaxda u noqondoono

 

Agaasimaha cusub ee madaxwaynaha Puntland soo magacaabay ayaa wuxuu ka tirsan yahay kooxda madaxwaynaha ee lagu magacaabo ”isbedeldoonka”.

Gaas ayaa sidii uu xafiiska u qabtay ku hawlan shaqo u abuuritaanka iyo magacaabitaanka kooxdiisa oo kaliya.

 

 

Hoos ka daawo sawirada xilwareejinta

320

321

323

324

325

326

327

328

329

340

341

342

343

344

345

346

347

348

349

350

351

 

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *