Faah-faahin- Shan ka mid ah shaqalaha UN-Ka Garowe oo ku dhintay qaraxii

Garowe(Pes) Ugu yaraan shan qof oo ka mid ah shaqalaha UN-ka magalada Garowe ayaa ku dhintay Qaraxa lagu soo xiray Gaari Bas ah oo la sheegay inuu ahaa nooca lagu qaado shaqalaha ka shaqeeya UN-ta.

Afar ka mid ah dadka dhintay waa Africaan halka kan shanaad-na uu yahay cadaan sida uu warbaahinta goor dhawayd u sheegay qof goobta tagay.

”Anigaa waxaa arkay shan qof maydkooda afar ka mid ah waa modow kan kalena waa cadaan, qaarkood maydadkooda baska ayay saarnaayeen kuwa kalena oo hilibkooda goo’go’ayna banaanka ayay kusoo daateen, runtii wuxuu u ekee qaraxan mid horay loogu sii xiray gaari sababtoo ah meesha uu marayay waxay ahayd wado laami ah”.

Goobjooge kale ayaa sheegay in goobta hadda tahay mid aad u mashquul badan oo ay ku sugan yihiin masuuliyiinta ugu saraysa ciidanka ammaanka Puntland iyo mamulka degmada Garowe, inkastoo nagu adkaatay inaan xog buuxda ka helno mamulka magalada Garowe iyo laamaha ammaanka ,haddana wararka la helayo ayaa tilmaamaya inay ka badan karto dhimashada intaasi, dhaawac ayaa jira balse cid noo xaqiijisay ma jirto ilaa iyo hadda.

Waxaa lagu wadaa laamaha ammaanka inay warbaahinta la hadlaan, ilaa iyo haddana goobta waa meel xiran oo ciidan faro badan ayaa ku sugan.

11140753_366225800252107_5444907970296202946_n

2014

2015

About The Author