Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay oo cambaareeyay weerar lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo kusugnaa Garoowe

1510

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa si aad ah u cambaareeyay weerarka lagu qaaday gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo yaalay magaalada Garoowe weerarkaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan.

“Waxaa iga nixiyay igana walwaliyay waxa maanta ka dhacay Garoowe. Waxaa aad u fool xun sida loo qiimo tiray nolosha dad ka shaqeeynayay arimaha Bani-aadanimadda iyo mashaariicda horumarineed ee ku aadan baahida dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah SRSG Kay.

Saakay abaarihii markay ahayd 2-da saac ee subaxnimo ayaa gaari ay leedahay Qaramada Midoobay oo ka shaqeynaayay Garoowe, Puntland, lala beegsaday waxyaabaha qarxa ( IED), waxaana ku waxyeeloobay dad aan tiradooda la garaneyn, waxaana socda dadaal gurmad ah oo looga jawaabayo dhibkii dhacay.

“Arintaan waxay murugo ku abuurtay Qaramada Midoobay, hadana waxay u mideysanyihiin sii loowadida howlahooda. Qaramada Midoobay waxaa ka go’an in ay dadka Soomaaliyeed barbartaagnaato. Waxaan tacsi u dirayaa saaxiibadii iyo qoysaskii dadkoodu ku nafwaayeen iyo kuwii kudhaawacmay ama waxkunoqdayba.” Ayuu yiri SRSG kay.

Faafaahinta kusaabsan arintaan waan idinla wadaagi doonaa islamarka ay cadaato.

Dhamaad.

About The Author