Dhagayso: Faahfaahin iyo tirada inta ku dhimatay Qaraxii maanta ee Garowe

Garowe (Pes) Taliyaha Qaybta Booliska Gobalka Nugaal Axmed Cabdilaahi Samatar oo shir jaraa’id ku qabtay magalada Garowe ayaa faah faahin ka bixiyay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee lala eegtay shaqaale ka tirsan UN-ta Puntland.

”Waxaa ku dhintay Todobo qof, Lix qof waxay ahaayeen dadka dhintay, qofja kalena wuxuu kii is qarxiyay, afar waa Ajanibi dadka dhintay labo waa Soomaali, dhaawaca waa todobo, shan waa Soomaali, labona waa Ajanabi, Ninka is-qarxiyay waxaa la hayaa lugihiisii, gacmihiisii iyo madaxiisii, baaritaan ayaa lagu jiraa ilaa iyo hadda” ayuu yiri Taliye Axmed

Taliye Axmed ayaa sheegay tiradda dhimashu ay gaarayso todobo qof, tiro kale oo intaasi le’egna ay ku dhaawacmeen, isagoo sheegay in qaraxu inuu ka kacay qof Isi soo miidaamiyay oo saarnaa gaariga qarxay.

Dhagayso codka Taliyaha


Puntlandes.com

About The Author