XOG: Dawladda Puntland oo Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PIA ka reebtay Guddiga Baaritaanka ku samaynaya Qarixii lala beegsaday Shaqaalaha Qaramada midoobay

Garowe (PES) Dawladda Puntland ayaa Magacawday Guddi ka kooban 5 Xubnood oo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Puntland waxaanse laga reebay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Puntland (PIA) Cabdirisaaq Ciise Khaatumo oo ay ahayd inuu Noqdo Xubinta labad marka laga reebo Wasiirka Amniga Hay’adda PIA oo ah Halbowlaha Sirdoonka Puntland ayaan iyadu kaalin kulahayn Baaritaankaan hadda la samaynayo waxaana ilaa iyo intuu Xukunka Qabtay Cabdiwali Gaas uu la dirirayay Hay’addaan oo uu u arkayay in uu asaasay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole.

Madaxweyne Gaas ayaa Ka xannibay Dhaqaalihii hay’adu heli jirtay waxuuna sidoo kale uu ka xiray miisaaniyad ay kula hayd Wasaaradda Maaliyadda Madaxweyne Gaas ayaa Cunaqabatayn ku hayay Hay’addaan ilaa iyo intii uu xukunka hayay waxuuna badalay Agaasimihii hore ee Hay’adda Kornayl Cabdiyare waxaase muuqtah inay wali sii socoto Cadowtinimada fog ee uu Hay’addaan u Qabo, iskusoo wada duuboo khuburada Amaanka ayaa Qaba in Ka maqnaanshaha Hay’adda sirdoonka ee Baaritaankaan ay dhicikarto inaan Natiijo sax ah laga gaarin baaritaankaas

XUBNAHA DAWLADDU USAARTAY BAARITAANKAAS

1: Wasiirka Aminga Dawladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Aloore

2: Wasiirka Warfaafinta ee Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle

3: Wasiir Dawlaha caafimaadka Dawladda Puntland Cabdullaahi Jaamac Cali

4: Taliyaha ciidamada Booliska Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf

5: Taliyaha Nabadsugida Puntland Cor. Cabdullaahi

Puntlandes.com

About The Author