Madaxweyne Gaas oo Ku Tamashleynaya Ethiopia Xili Amaanka Puntland Halis ku jiro?? Ma Is Casili doonaa??

Adduunyada la joogo Marka ay Masiibo Iyo Dhibi ku timaado Dal Iyo Deegaan, Hogaamiyaha Dalkaas haduu dalka Safar kaga Maqan yahay Waxa uu soo gaabiyaa Safarkiisa Si ula qeybsado Ummadiisa Masiibada Iyo Murugada.
1996a
Hadaba Deegaanada Puntland Waxaa Waayahan ka dhacaya Falal Amaan-daro Iyo Khatar Bulsheed, Xili Madaxweynaha Puntland uu Safar isaga Maqan yahay aan Puntland qiima ugu fadhin. Waxaa u danbeysay Dhacadii Maanta ka dhacdey Garowe oo Fadeexad Qaran ku ah Puntland. Waxaa gabi ahaanba fashilmay Laamihii Amniga Puntland Iyo Xukuumadii uu Abdiwali Gaas dhisay, Waxaa Soo baxdey inaan Mushahar lasiin Ciidamada Puntland Iyo Police. Hadaba sow lama oran karo Habdhaqanka Madaxweyne Abdiwali Gaas waa mid Hayaan ka ah Puntland?? Sow lama oran karo Madaxweynaha Puntland waa Nin Mashquul ku ah 2016 Iyo Mogadishu??
 Waxaan lee nahay Madaxweyne Abdiwali Gaasow, Ummada Puntland haku halaagin Maamul-Xumida Iyo Go’aan Qaadasha la’aantada. Waan u jeednaa inaad Puntland Dan Iyo Heelo ka laheyn, Waa muuqataa inaad Puntland Jaranjaro ka dhiganeyso, Ee Gaasow Gaaska ka daa Puntland oo Is-Casil.  Hadiiba aad Qurbahii aad ka timid wax ka baratay, Marka Hogaamiye Fashilmo waa is Casilaa ee Is-Casil waad Fashilantaye.
Puntlandes.com

 

About The Author