Madaxda Puntland: Ha is Oran Ciddi kuma Arkaysee Afka Buuxso

Wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland ayaa wadda qorshaha sanadkaan 2015 ,3 milyan oo doolarka inay ku hormariso todobo magaalo oo ka mid ah kuwa Puntland uuna ka shaqeeyo Barnaamijka horumarinta Magaalooyinka ee ,,,,Joint program for local government JPLG.

Magaaalooyinka helay barnaamijkaan waxaa kamid ah sanadkaaan> GALKACYO, BOSASO, GAROOWE, QARDHO, EYL , BANDERBAYLA , JIRIIBAN.

Waxaa ku jira degmooyinkaan kuwo helay in kabadan 3 jeeer fursadaaan hormarineed, ayado degmooyin Badan aysan helin mar qur ah .

Hadaba waxaan fahmi waayey criteria ama cabirka la adeegsado xiliga la qaybinaayo iyo sida looga dhaadhiciyo deeqbixiye yaasha in degmooyin gaar ah la hormariyo kuwo kalena la inkiro.
Waliba degmooyinka canshuuraha ugu badan kazoo xaroodaaan Ayaan la xusin marna .

Barnaamijkaan waxaa lagu kabaa canshuuraha degmadu bixiyo 5% inta kale deeqbixiye yaasha aya baxsha waxaan u baahanahay sababta degmooyinkaan loo soo celcelyo. Aawaye degmooyinkii kale canshuur ma baxshaan miyaa? Xaq uma leh miyaa? Marka la qaybsanaayo miyaan wax matala joogin miyaa? Baahiba kama jirto degmooyinka kale miyaa? Ma waanan fahansanayn hadalka ALLE قوله تعالى… ألكم الذكر وله الأنثى. تلك إذا قسمة ضيزى

Waxaa Horay U dhacday in Deeqo Caalami ah oo Aduunku u gartay Degmooyinka Puntland Qaar kamid ah loo diiday inay gaaran lagana horjoogsaday. Maamulada la qoqobanayo waxay dhaxalsiiyeen umada somaliyeed in Gafanayaal dhiigooda xaqdaro ku cabaan Aduunkana ka hor istaagaan ayagoo ku doodaya Anagaa matalna. Waxaa Horay loo yiri Xoolo Rag Farana ka Tirsan Feerana Ka xisaabsan waxaan Hubaa in Ay Dulqaad Badan Muujiyeen Dadka rer Puntland wxaaan hubaa inaan cashabku Cadaalad xumada Raali ka Ahayn , waxaan Hubaaa in loo seeto dheereeyey maamulka kala wajiyada Duwan isku hadafkaa
( أتواصوا به بل هم قوم طاغون)

Ma isku dardaarmeeen cadaalad xumada iyo eexda qaawan Hogaanka Puntland kama leexdaan kama waantoobaan miyaa ? kii dibada ka yimid kii Dalka Joogay iyo kii Aqoonta la Bidayba hadii Ay hal wado Raaceen,sow ma Haboona inay shacabka Dulmani Talo ka yeeshaan Arimahooda iyo Mustaqbalkooda ka shaqeeyaaan.

Transparency= shafaafiya

Inaysan jirin Ajandayaal iyo xaalado Qarsoon iyo in la heli karo xogta loobahanyahay ee middowyada la galay iyo si Guud in go’aanada loo Gaaro.

In la heli karo xog ama data cad oo sharaxan howlaha la fuliyano qoraal ahaan ama shaxan

In ay wax un ka ogaan karaan heshiisyada la galay dadku iyo wax is waydaarsiga dhacay cadaymo ku saabsana la heli karo

Xaaladaha muhiim kaa oo dhan waa inay dadka u furanyihiin ayadoo shuruucda iyo cabirka la maray ay tahay mid Cadaalad Ah oo Dadkoo dhan U cad

1.Lack of hidden agendas and conditions, accompanied by the availability of full information required for collaboration, cooperation, and collective decision making.

2.See-through, clear piece of acetate used for projecting data, diagrams, and text onto a screen with an overhead projector.

3.Minimum degree of disclosure to which agreements, dealings, practices, and transactions are open to all for verification.

4.Essential condition for a free and open exchange whereby the rules and reasons behind regulatory measures are fair and clear to all participants.

Dhamaad…

W/Q: Cabdullaahi M Saciid
Email: saxafi2012@gmali.com

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author