Maqaalkaan waxaan ku eegi doonnaa 3 Qaybood oo kala ah Puntland sidee ahayd 8-1-2014, Sideese Hadda Tahay iyo Maxaa Tala ah

Qaybta 1aad 8-1-2014,

Taariikhda  kor ku xusan oo ahayd  Maalintii ay si rasmi ah Puntland gacanta ugu gashay Madaxweyne Gaas waxay ahayd Dawlad leh bal aan eegno wajiga ay lahayd iyo kan maanta:

Arimaha Gudaha

·         Puntland waxay ahayd mid dhamaystiran sida M Gaasba Afkiisa ka qiray maalinkii Xilkeeda lagu wareejay

·         Puntland waxay ahayd mid leh Ciidan dhisan ayna dhexdooda ka jirto kalsooni buuxda hogaamada ciidamduna waxay ahaayeen kuwa leh khimrad iyo karti shaqo.

·         Waxaa jiray Xukuumad, Barlamaan, iyo Garsoor midkastaaba uu u shaqayo si madaxbanaan lehna isla xisaabtankeeda

·         Waxaa jiray Ammaan buuxa waxaan dhamaan Magaalooyinka waaweyn laga safayay Argagixisadii iyagoona haraagooda lagasii dabar gooynayay Buuraleeyda Galgala

·         Waxaa dhamaan Magaalooyinka iyo Xeebaha PL laga tirtiray Burcad badeeii

·         Waxaa intaas garab socday Mashaariicda horumarineed oo wadanka ka socotay

ARIMAHA DIBADDA:

§  Puntland waxay hogaaminaysay hormuudna u ahayd siyaasadda Somaaliya

§  waxay lahayd Siyaasad cad oo ay kula macaamisho Deeq bixiyayaasha iyo Dawladaha danaya Somaliya

§  waxay lahayd la xisaabtan Awoodeed kaaso ay waxkula qaybsato Dawladda Federaalka Somaliya

§  waxay ahayd mid aan loo yeerin Qorshayaasha iyo Go’aamadeeda ay miiska la tagayso

§  waxay ahayd mid si siman miiska ula fariisata meesha Masiir Soomaaliyeed lagu jeex jeexayo

§  waxay ahayd mid aan ka tanaasulin waxa Dadka iyo Dalka PL dantu ugu jidho ugu damayna ku meel marisa miisaankeeda siyaasadeed

§  waxay ayahd mid DFS kula xisaabtanta Deeqaha Calamiga ah mid bini’aadantinimo’ mid Waxbarasho iyo mid Horumarineedba

§  waxay ahayd mid Casumaadaha Shirarka calamiga ah aan looso marin Cidkale oo ka wakiil ah ee si madax banaan loogu casumo

§  waxay ahayd mid aan cidkale wakiil uga noqon Qorshaha iyo Ajandayaasha ay wadato ee Codkeeda ku dhiibatah tusaale ahaan shirarkii looga hadlayay Arimaha Somaliya oo ka dhacay London 7-5-2013, shirkii  16-10-2013, ka dhacay Brusels,

§  Puntland caalamku waxuu u yaqaanay Maamulku ugu Tunka weyn dhanka siyaasadda Somalia waxayna Dr Faroole u arkayeen Hogaamiye Miisaan culus kuleh Siyaasadda Somalia iyo tan Africaba

QABTA 2AAD: Wajiga Puntland ee 2015:

Arimaha Gudaha

  •  Puntland Ciidamadeedii waa kuwa aan mushaar Qaadan 11 Bilood waxaana ka dhuntay kalsoonidii Difaaca Dalka, iyo Dadka
  • Majidho Xukuumad, Barlamaan iyo Garsoor si madax banaan u shaqaya
  • Amaankii Magaalooyinka waaweyn waxuu ka baxay faraha waxaana ka dhaca weraro iyo Qaraxyo
  • Waxaa dib isu Abaabulay Burcad badeedii oo hadda ku jirta hawlgalo iyo is abaabul ay dib ugu soonoqonayaan
  • Waxaa meesha ka baxay Cadaaladii waxaana lasii daayay dambiilayaal isugu jira Al-shabab iyo Burcad badeed, sida C/risaq Xuseen Tahliil Sanadii 2013, Ciidamada Amaanka Galkacayo ku Qabteen isagoo waxtaabaha Qarxa xambaarsan waxuuna qirtay inuu ka tirsan yahay Al-shabab kaas oo ugu damayntii Maxkamadi ku xukuntay dil toogasho ah waxaase subax si fudud Madaxweyne Gaas Xabsiga kasii daayay Dhagarqabahaas isagoo Gawaarida dagaalka lagaga galbiyay Garowe laguna geeyay Gaalkacayo,
  •  Waxaa lasiidaayay Dambiilihii Garoonka Diyaradaha Galkacayo ku dilay Laba Shaqaalaha Qaramada midoobay ka tirsanaa oo u kala dhashay France iyo Canada isagoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin
  • Waxaa xilka laga Qaaday saraakiil Dhanka Amaanka ah kuwaas oo Puntland sharaf ku dhexlahaa khimrad weynna u lahaa Arimaha Amaanka iyo Sirdoonka
  • Waxaa xilalka dhaxal looga dhigay Qurba joog aan Dadka iyo Dalka aqoon

Arimaha Dibadda

  • Waxaa Puntland hoos tagtay Xukuumadda Xamr waxayna noqotay mid kamid ah Degmooyinka Wardhiiglay iyo Shibis
  • Waxaa PL loo yeeriyaa Jadwalka siyaasadeed ee ay ku soconayso kaaso kasoo baxa Villa Somalia
  • Waxaa Dawladda Federalka Somaliya si buuxda Puntlnd ugu matashaa masraxyada caalamka
  • Dawladda Federaalku waxay Deeqaha Calamiga ah u maamulataa iyadoo aan Puntland innaba kala xisaabtamin
  • Waxaa si Xarago iyo Cabsila’aan ah Dawldda dhexe u maamulataa Tastuurkii dalka
  • Waxay Puntland dhumisay Gobolka Mudug iyadoo aan wax ficil ah iyo Qayla dheer midna ku difaacin Gobolka Taariikhiga ah ee Mudug
  • Siyaasadda Puntland kulahayd Caalamka oo maanta loo yaqaan Diyaaradii malaysiya ee luntay

QABTA 3aad

Gaba Gabo Maxaa Tala ah

Puntland waxay leedahay Siyaasiyiin, Isimo, iyo Aqoonyahan puntland u ah marjac loo laabto iyadoo aan aragno waxyaabaha dhacaya soona dhacayay sanadkii lasoo dhaafay iyo kaan ku jiro waxaa  muqadas ina ku ah inaan Puntland ka badalo wajiga ay maanta leedahay una badalo waji ay u qalanto Xag Amaan mid Siyaasadeed iyo Mid Horumar iyo Mid Cadaaladeedba hadii aynaan waxka qaban Sida Dalka iyo Dadku ayahay maantay waxaa imaanaysa maalin Dadka Reer Puntland  baraarugaan ogow maantay waxaad haysataa Talo iyo Tabar aad ku bad baadiso Puntland .

Daawo Sawira Qiimaynaya puntland-tii hore iyo Tan Maanta, sida Beesha caalamku u qaabili jidhay iyo sida Madaxda Dawladda Federaalu u qaabil jidhay .

1586

2023

2023a

2023b

2023c

2023d

1579

1574

Puntlandes.com

About The Author