FAALO: OLOLAHA ABUUKAR CAWAALE IYO DIFAACA QAADKA MADAXWEYNE GAAS

Abuukar Cawaale (Qaad Diid) waa Nin Dhalinyaro ah ka Danqaday Dhibka Qaadka Doonaya inuu Dunida oo idil ka joojiyo Hanka Abuukar maaha oo kaliya inuu Qaadka ka joojiyo Naftiisa, Saaxiibkiis, hal Wadan, ama hal Qaarad lkn Hankiisu waa inuu Dunida oo idil ka joojiyo Marka aan saas leeyahay maaha inuu Abuukar Cawaale waligiis jirayo lkn waxuu doonayaa inuu ka tago Fakar iyo Saaxiibo siiwada Ololaha Qaadiid ee Hamiga Abuukar Qaad Diid.

Abuukar Cawaale Qaadiid waxuu Magaala Madaxda Garowe soo gaaray 14-2-2015, Soodhoweynta Abuukar kadib waxuu Gudaha usoo Galay Caasimadda Garowe oo uu u Arkayey inay tahay Muraayadda wadanka Bartilaameedna u Noqonkadha Ololihiisa Qaadka Soodhoweynta Shacabka iyo Goobaha Waxbarashada oo Muhiimad gaarka ah Abuukar u lahaa kadib waxuu Garoowe ka Kabaxay isagoo aan Dhanka Dawladda ka helin Garab istaag iyo Dhiirigalinta Hamigiisa Bad-Baadada Ummadda ku dhisan.

Silamida Sidii Caasimadda waxaa Cawaale Magaalooyinka Loogusoo Dhoweeyay Kaalinta Shacabka oo kaliya marka laga reebo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yusuf Jaamac Tigey oo isagu Huwanaa Shaati Dawladnimo lkn u muuqday inuu kaalin Shaqsinimo ka qaatay Ololihii Mudane Qaadiid waxaana orankaraa waa Tan uu ku waayay Xilkiisa Halganka uu la galay Mudane Qaad Diid isagoo mudnaa in Baal dahaba lagu xuso maadama uu ahaa Shaqsiga kaliya ee Dhanka Dawladda oo Kaalintiisa qaatay.

Mar labaad Mudane Qaad Diid waxuu kusoo Laabtay Caasimadda Garowe isagoo Doonaya inuu kusoo khatimo Ololihiisa Qaadka wajigiisa kowaad Mudane Qaad Diid si lamid ah sidii hore kama helin Kaalin ku aaddan Ololihiisa Qaad joojinta Madaxda Dawladda sidookale looma Qaban Xaflad Maqaam Dawladeed ah oo ku saabsan Sagootinta iyo Gunaanadka Wajiga kowaad ee Ololaha Qaad Diid Taas oo Dhiirigalin iyo Taageero u noqonkadhay Hamigiisa Fog ee Qaad joojinta.

Mudane Abuukar Qoraal uu Bartiisa Face-book ku daabay waxuu ku sheegay  kaalin uu ka helo iskadaaye xataa uu Caqabad ku noqday Siiwadida Ololihiisa Qaadka Madaxweyne Gaas isagoo diiday Xaflado Casumaadooda loo geeyay iyo inuu Cashuurta ku kordhiyo Qaadka oo Fekar uu Abuukar Qabay ah.

Haddaba Waxaan oran karaa Madaxweyne Gaas waxuu is hortaagay Bad baadada bini aadamka iyo Mustaqbalka 4 Million oo Reer Puntland ah kuwaasoo  Mudane Abuukar doonayay inuu Ku badbaadiyo Feker uu Xanbaarsanaa dhanka kalena Mudane Abuukar waxuu Saamayn ku yeeshay 1.5 Million Caruur Reer Puntland ah kuwaas oo isugu jira kuwa uu hor istaagay, kuwa TV-ga ka daawada iyo kuwa Ka Dhegaysta Radio, lkn fekerkaAbuukar Cawaale Qaad Diid oo Dadka Reer Puntland  u Arkayeen Bad Baadiye Loosoo diray waxaa mid ka duwan Fekerka Qabay Madaxweyne Gaas oo ay saarayd Masuliyadda 4 Million oo Reer Puntland ah Niyaddana ka jabiyay Abuukar iyo Saaxiibo badan oo uu lahaa iyo Dhamaan Dadka Reer Puntland-ba kadib markii uu Fekerka Abuukar M Gaas ka dhigay mid Dhalanteed ah Runtii Prof Gaas oo ah Aqoon yahan Garankara Dhibka Qaadka iyo Hamiga Fog ee Abuukarba mawaxaan orankaraa Waa Colaad uu Shaqsiyan uu u Qabo mudane Abuukar mise Saaxibo Badan oo ay isku shaqo yihiin M Gaas ayaa kaga weynaaday Muhiimdda Fekerka Abuukar iyo Bad Baadada Mustaqbalka Malaayiin Reer Puntland ah.

Mudane Abuukar Waxuu Qaadka ka joojiyay kuna Guulaystay Waddan uu ka yahay Ajaanib Madow ah midda labaadna aan ayhayn Waddan islaam ah Hankiisa iyo Himiladiisu waxay ahayd inuu Meesha labaad ee uu ka joojiyo Qaadka ay noqoto Dalweynaha Puntland waxaase Nasiibdaro iyo Isbaaro ku noqday Madaxweyne Gaas Sida uu ku sheegay Bartiisa Face-Book.

Mudane Abuukar Cawaale Waxaan ku Aqaan Dadaale Manooge ah waxaan ku aqaan Nin ka miradhaliyay Hamigiisa Qayb ka mid ah siina wadikara ilaa Halka ugu damaysa ee Ololihiisa Qaadka, mana umalaynayo inay Niyad jabinayso Caqabadaha kagayimi M Gaas waayo waxaan ogahay Marxaladaha uu usoo maray iyo Dhibka lakulmay Abuukar waxuu soomaray Safarro dheer dheer kuwaas oo aan cidika caawinayn Dhaqalaha ku baxaya, waxuu soo maray Xarig, waxuu soomaray is hortaag Ololihiisa iyo Hamigiisa lagu diidanyahay, waxuu soomaray Caqabdo ku saabsan Hawsha uu wado.

Abuukar Cawaale mawaxuu intaas oo dhib ah oo uu maray ku doonayaa Aduun Lacageed, mawaxuu ku doonayaa Sumcad, mise waxuu ku doonayaa in Joornaalada lagusoo daaboco, Media laga sheego ama Muqaalkiisa TV-ga Laga Daawado, Maya Maya Maya intaas oo dhan maaha Hamigiisu waa inuu Bad-Baadiyo Nolosha Dad badan oo Dunida ku nool waxuu doonayaa inuu Badbaadiyo Nolosha Jiilasha Dame waxuu doonayaa inuu Dunida ka dhigo mid Nadiif ka ah Cunista Caleemo Waxyeello maahee aan Waxtarlahayn Waxuu Doonayaa inuu Bad Baadsho Dhaqaalaha Dunida oo ay ugu horayso Waddankiisa Hooyo oo Maalin kasta laga saaro Malaayiin Doollar oo Horumarka Dalka Qayb ka noqonlahaa.

Marka hore waxaan Raali Galin Buuxda oo ah Mid Shakhsiyadeed iyo Mid Dareenka Dadweynaha Puntlnad ah ka siinayaa Mudane Abuukar Cawaale ugu damayntiina waxaan uga mahad celinayaa Mudane Abuukar Cawaale Halgankiisa iyo Hamigiisa Dadaalka ku dhisan wuuna Gaari doonaa insha Allaah, waxaan kaloo u mahad celinayaa Mudane Maxamed Yusuf Jamac Tigey Gudoomiyihii hore ee G/Mudug iyo Mudane Jamac Deberaani oo kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay Ololaha Abuukar Cagtana la dhigayay Goobkasta oo uu tagayay kana reebay Taarikh Dhaxalgal ah sidaan filayo maadama uu yahay Nin Saxafi ah.

Abuukar Guulayso Waligaana ha niyad Jabin

 QORE AQOONYAHAN: JAALE DAHIR

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author