Dhagayso: Gaagaab oo sheegay in Maamulka loo dhisayo Galgaduud iyo Galmudug uu yahay maamul hoosaad ay wataan Kooxo gaar ah

Mudane Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo horey usoo noqdey Madaxweyne Xigeenka Puntland iyo Wasiirka Maaliyada Puntland,ayaa Waraysi gaar ah oo uu Warsidaha Puntlandi si kulul uga soo horjeestey in Maamulka loo sameynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud lagu tilmaamo Maamul Goboleed,waxaana uu xusay in Maamulkaasi uu noqonayo Ismaamul hoose.

Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa sheegay in sida hadda ay wax u socdaan aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Shuruucda ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed.

‘’Meesha Hal Gobol iyo Galmudug oo Gobol qaarkii ah ayaa ka jira ma aqaan sida Shuruucda iyo Dastuurka la isu waafajinayo anniga iima muuqato,meesha la dhihi lahaa Dawlad Goboleed ayaa la dhisayaa,waa in la yiraahdaa Ismaamul Goboleed,laakiin meesha anniga iigama muuqdo Maamul Goboleed’’Ayuu yiri Gaagaab.

Gaagaab ayaa sheegay in ismaamulka hoose ee loo dhisayo Galgaduud iyo Koonfurta Mudug ay wataan Kooxo gaar ah,kuwaas oo uu sheegay inay dhisayaan Ergada aysana talo ka siin Ehlu Sunna,Galmudug iyo Ximan  iyo Xeeb.

‘’Dadka shacabka ah ee Galgaduud ama Galmudug joogta talo kuma laha,Ergada iyaga magacaabada oo ay doonayso in cidda ay doonto ay Madaxweyne ka dhigato,waxaad moodaa in Xisbi hagayo,dadkii meesha dagaanaa talo kuma laha’’Ayuu yiri isaga oo hadalkiisa sii wata.

Ugu dambayntii wuxuu rajo xumo ka muujiyay sida Dawlada Federaalka ay ku hirgalin karto Hiigsiga 2016-ka,oo uu sheegay inaysan muuqan diyaargarow Barnaamnijkaas ay ku hirgalinayso Dawlada Federaalka.

Hoos Ka Dhagayso Waraysiga Puntlandi uu la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gagaag

 


Xigasho Puntlandi.com

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author