Kooxda Madaxweyne Gaas oo Afduubay Shirkii Wadatashiga Puntland ee Bisha May 2015

Garowe (Pes) Isbuucii hore Waxaa lagu dhawaaqay Guddi lagu sheegey iney Maamuli doonaan Shirka Dibu Hishiisiinta Puntland. Marka la eego Dadka ku jira liiskaas Marka laga reebo Saddaxda Masuul oo ay Soo Xushey PDRC kalana ah Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, Maxamuud Sheekh Xaamud, Iyo Siciid Faarax Yare mooyee, inta kale Waxaa Soo xulay Madaxweyne Gaas.

Marka aad eegto Guddoonka Shirka ayaa ogaaneysaa in la Majara habaabiyay Shirkii oo ay gacanta ku dhigeen Dowlada Puntland Iyo Madaxweyne Gaas. Shirkan oo muddo loo oomanaa ayaa hada u muuqda mid Fashilmaya Iyadoo lala socdo Casumaada Qurbajoogta Puntland oo Tiro ahaan noqon doonta 30-Xubnood in durba lagu qoray Fanaanin Iyo Dumaro Sacabka u Tuma Madaxweyne Gaas.

Shirkan oo laga filayay Guulo waa weyn Iyo Midnimadii Reer Puntland in dib loo helo ayaa u muuqda mid Fashilmaya. Dadka jooga Puntland  ayaa durba Quus Iyo Wal-Wal ka muujiyay Shirkaas Waxana ay kuu sheegayaan Aragtida ay ka qabaan Shirka.

Madaxweynaha Puntland ayaa Shirkan u arka mid Maaweelo ah Iyo Indha-Sarcaadin lagu sameynayo Bulshada Puntland Halka Dadka Puntland u arkaan Shirkan inuu yahay Mid Masiiri ah oo Masiirkooda ay kaga tashanayaan. Waxaa Iyana jira Kooxo ku dhow Madaxweyne Abdiwali Gaas oo Aaminsan in Shirkan lagu Cuno Dhaqaale badan maadama  UN ku ay bixineyso Lacagta ku baxaysa Shirka.

Marka aad eegto Abaabulka Shirka Iyo Qaban-qaabada loogu jiro Afduubka Shirka ayaa laga Qiyaas qaadan karaa Fashilka kusoo wajahan Shirka Dibu Hishiisiinta Iyo Wadatashiga Puntland.

Puntlandes.com

About The Author