MAXKAMADA GOBOLKA NUGAAL OO UU BERITO HOR IMAANAYO MADAXWEYNE GAAS

Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland iyo Gudoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa Qoraal u
Gudbiyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Qoraalka ayaa ku saabsan inuu ku horyimaado Maxkamadda Maalinka Berito oo ay Bishu tahay 28,

Warar Hoose oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas Doonayo inuu isku bedalo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Eng Camey. Uyeeritaanka Madaxweyne Gaas ayaa ku saabsan inuu ka jawaabo Falkii Foosha Xumaa ee Todobaad ka hor Ciidanka Gaarka u ah madaxeynaha ee Ilaalada Madaxtooyadu ka gala baxeen Maxkamada Gobolka Nugaal Dambiile Burcad Badeed ah oo Maxkamadu Xukun ku Ridday.

Isku soo wada duuboo Arintaan ayaa Noqonaysa Markii ugu horaysay Taariikhda Puntland oo Maxkamadi u yeerto Hogaanka Sare ee Puntland, inkastoo uu madaxweyne Gaas sameeyey falal aan dawladnimo ku abtirsan intii uu madaxweynaha ka ahaa Puntland sida Taliye Ciidan oo uu xilkii ka qaaday oo hadana ka diiday walina shaqaynaya, Gobolka Mudug oo xataa uu ku dhici waayey in uu tago baqdin uu ka qabo rag ka taliya, shaqadii wasaaradaha Puntland oo in ay istaagaan qarka u saaran isqabsi wasaarad kasta dhexdeeda ah awgeed iyadoo aysan jirin madaxweyne laga baqo oo wax kala gooya.

Puntlandes.com

About The Author