Talo Ku Socota Madaxweynaha Puntland Iyo Guddiga Qaban-qaabinaya Shirka Wada-Tashiga Puntland.

Waxaan Marka hore u Mahad-celinayaa Madaxweynaha Puntland Abdiwali Ali Gaas, Gogosha Iyo Martiqaadka uu fidiyay. Waxaan Jecleystay inaan Taladan Iyo Aragtida aan ka qabo Shirka Wadatashiga Puntland ee Bisha May 2015, aan kusoo bandhigo Faaladan kooban. Waxaan kamid ahay Dadka Aaminsanaa walina aaminsan in loo baahan yahay Shir Wadatashi Reer Puntland si loo Garnaqasado loona Jiheeyo Aragtida Iyo Dareenka Reer Puntland. Waxaan shaki ku Jirin in loo baahan yahay Madal kulmisa Dadka Reer Puntland ee Muddooyinkii u danbeeyay kala Irdhoobay amase Siyaasadu kala kaxeysay. Waxaan kaloo ogahay Jabkii Siyaasadeed ee Reer Puntland ka qabsaday 2012 inuu keenay kala duwanaansho Aragtiyadeed Iyo Walaahow Siyaadadeed. Waxaan Hubaa in Shacabka Puntland ey Niyad fiican yihiin walina Rajo laga qabo in dib loo habeeyo loona Jiheeyo Shacabka Puntland balse loo baahan yahay in Shirka Wadatashiga uu noqdo mid loogu Daneynayo Mustaqbalka Puntland Iyo inaan  Ergada  la Siyaasadeyn.

Maxaa la Gudboon Ergada Shirka??

1) Waa iney Ilaahay uuga baqaan Masuuliyada la saaray oo ey kana Run sheegaan Waxa loo doortay.

2) Waa iney Casumaan Bulshada Wagaradkeeda Aragtida Iyo Caqliga u Saaxiibka ah oo eysan Casumin Koox gaar ah.

3) Waa iney Ajandaha Shirka ka dhigaan mid furan oo aan meel kale laga Soo qaadin si looga doodo Masiirka Reer Puntland.

4) Waa in Laba Qaab Shirka laga dhigaa oo loo kala saaraa, Dhaqan Iyo Arrimaha kale.

5) Guddiga Shirka waa iney ka fogaadaan Arrimaha Siyaasada Iyo Kooxaha isku haya Siyaasada oo ey noqdaan dhex-dhexaad.

6) Waa in Guddiga Shirka ey ka fiirsadaan Ergada ey keenayaan oo eysan Casumin Qof walba Iyadoo la Qiimeynayo Ahmiyada Shirka Iyo Taabagalkiisa.

7) Waa in Guddigu Casumaan Qurbajoogta Puntlanders ah ee Dalka Jecal oo aan la Casumin Qof aan Puntland War u heyn.

8) Guddigi Waa iney Isimada Iyo Culimada ka dhigtaan Saldhig ey dib ugu noqdaan.

9) Guddigu waa iney ogaadaan Hadii uu Shirkaasi Fashilmo, iney Masuul ka noqon doonaan hadeysan is barixin.

10) Guddiga Shirka Waa iney Aragtidoodu ku Jaangooyaan Mideynta Iyo Walaaleynta Reer Puntland oo eysan noqon Koox kala socota.

Dowlada Puntland Iyo Madaxweynaha Waxaan kula Talinayaa Qodobadan.

1) Dowladu waa ineysan Shirka Siyaasadeyn oo ey isu daayaan Ergada Iyo Cida Shirka ka qeyb-galeysa.

2) Dowladu waa ineysan Soo Xulan Taageerayaal Iyo Cidda la Saaxiibka ah Dowlada.

3) Dowladu waa iney u Aragtaa Dadka Shiraya iney Aduun Iyo Aakhiro ka Masuul yihiin oo eysan kala Jecleysan.

4) Dowladu waa iney 30-Xubnood ee Qurbaaha laga casumayo Cadaalad Iyo dhex-dhexaadnimo ugu qeybisaa Bulshada kala Aragtida duwan ee Puntland.

5) Dowladu waa iney si dhab ah uuga Fakartaa Shirka Iyo Waxa kasoo baxaya oo aan Shirkan loo Arag mid Maalmo socda Amase ( Photo-Opportunity )

Waxaan Hubaa in Hadii sifiican loo dhaqan-gasho Arrimahan aan Faalada ku xusay Iyo Aragtiyada kale ee Dadweynaha in la fili karo Guul Iyo Midnimo. Dadka Reer Puntland Shirkan Waxa ey u arkaan Shir Masiiri ah oo

Xili Iyo Maalmo Muhim ah kusoo beegmay sidaa darteed waa fursad ey Adkaan doonto in la helo Hadii aan laga faa’iideysan in dib loo helo. Shirkan Waxa uu fursad u noqonayaa in dib loo Adkeeyo Midnimadii Reer Puntland Iyo Wadajirkii dhaawacmay. Waxaan qirayaa in Shirkan la Taageero Mucaarad Iyo Muxaafid loona arko Shir la wada lee yahay oo ka Turjumi doona Mustaqbalka Shacabka Puntland.

Fiiro-gaar ah: Waxaan lee yahay Yaan la dhibsan Dareenka Shacabka oo Haloo qaato Sixid Iyo Toosin, Dalka Waxaa wada leh Dadka wada dhistay Maamulka ee Midnimada Shacabka Puntland hala Adkeeyo.

Sakariye Isticmaar

 

About The Author