MADAXWEYNE XASAN SHEIKH OO MAANTA CIIDAMO GAAR AH GAROWE LAYIMI

Madaxweynaha DFS Xasan Sheikh oo Maanta soo gaaray Caasimada Puntland Garowe ayaa watay Ciidamo si Gaar ah u ilaaliya Amaankiisa. Ciidankaan oo ka koobnaa 22 Xubnood ayaa ahaa 16 Askari oo Sigaar ah u hubaysan iyo 6 Xubnood oo Sirdoon Dharcada ah kuwaas oo Bastolado kaliya sitay.

Waa markii kowaad oo Puntland Madaxda DFS la yimaadan Ciidamo Amaankoda ilaaliya Arintaan ayaa ku soo beegmaysa Shaki waayadaan Dame laga qabay Amaanka Puntland iskusoo wada duubo Shacabka Puntland ayaa Arintaan u Arkah in Amaanka Puntland sidii hore ka duwan yahay iyo in Dawlada Federalku Saamayn weyn ku leedahay Arimaha
Gudaha Puntland iyadoo siday doonta u maamulayta hadana aadba moodid in ay magacii Sharciga ahaa ka bedeshay iyadoo u badashay Gobolka Puntand.

Hoos u dhaca aadka u hooseeya ee ku yimid Puntland waxaa mas’uuliyadeeda qaadaya madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali gaas oo meeshuu Puntland ilaalin lahaa u sahlaya cadowgeeda in ay Bur buriyaan.

Puntlandes.com

About The Author