Maxay tahay u jeedada safarka Xasan Sheekh uu Puntland xilgan ku yimi?

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo indhawayd u xusulduubnaa sidii uu muddo kordhin u samaysan lahaa,  xiliga loo doortay oo ka eg 2016-ka.

Xassan Sheekh ayaa ku doodaya in aanay suurta gal ahayn, in sanadka 2016-ka ay dalka ka dhacdo Doorasho ay dadku ku soo dooranayaan hogaamiyaha ay doonayaan, sidaa awgeedna ay mudan tahay inuu xilka sii hayo Xasan Sheekh.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada ayaa hore u xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu bilaabay, tallaabo uu Maamulada Soomaaliya  kaga dhaadhicinaayo in laba sano oo dheeraad ah  xilka loogu daro.

Sidoo kale Madaxweynuhu ayaa soo jeedin doona, in uu sii shaqeeyo Baarlamaanka iminka jira ilaa sanadka 2018-ka,taasi oo lagu beegayo xilliga uu muda kororsigu ka dhamanaayo waaba hadii ay u suura gasho.

Xafiiska Xasan Sheekh ayaa mudo diyaarinayay qorshe sida uu sheegay uu beesha caalamka hor gaynayo iyo waxa ay qabaneyso Dowladdiisa, haddii  muddo kordhinta laga aqbalo.

Qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ugu horayn taageeray Madaxwaynha Puntland  Dr. C/wali Gaas, Madaxwaynaha Koonfur-galbeed Shariif Xasan iyo Hogaamiyaha Jubba Adan Madoobe, wararka ayaa intaasi raacinaya in Gaas loo balan qaaday Ra’iisal wasaaraha sanadka 2018-ka, sidoo kale waxaa la doonayaa in Qorshahan ay aqabalaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Lama garanaayo sida ay tani ku aqbali doonaan Shacabka Puntland ana kuwa Soomaaliyeed ee aan la dhacsanayn hanaanka siyaasadeed ee Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, haddii uu ku adkeysto in uu xilka ku darsanaayo laba sano oo dheeri ah.

About The Author