Dhagayso: Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo Afhayeenka Culusow noqday eedeeyeyna RW hore Cabdiwali

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka tirsan baarlamaanka DFS kana soo jeeda Gobolka Mudug ee Puntland laguna yaqaano in uu ka mid yahay Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ee u adeega Dam Jadiid iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu eedeeyey Raysul Wasaarihii hore ee DFS Cabdiwali Shiikh ka dib markii uu madaxweyne xasan ku amray saas.

Su’aasha ay dad badan oo ka soo jeeda Gobolka Mudug gaar ahaan Beesha Cumar Maxamuud iswaydiinayaan ayaa ah waa maxay sababta ilaa iyo iminka ay si sharciga waafaqsan ugu difaaci waayeen Xuquuqda dadka ay ku metalaan Baarlamaanka DFS labada xildhibaan ee kala ah Seed iyo Sandheere? Isagoo uu Xasan Sheekh si cad ugu tuntay Sharcigii lagu heshiiyey Cadaadana ka sheegay in uu maamul u samaynayo Gobolada Mudug iyo galgaduud, halka qaybta waqooyi ee gobolka Mudug ee ay matalaan labadaas xildhibaan ay ka tirsanayd Puntland 17 sano.

Waxaa kaloo soo gaaraya Warbaahinta Puntlandes dad wali ka xanaaqsan ka qaybqaadashada ay ka qaybqaateen labadaas Xildhibaan rididii Raysul Wasaarihii hore ee DFS Cabdiwali Shiikh ka dib markii uu Puntland la saxiixay Heshiis lagu cadeeyey in maamul loo samaynayo Koonfurta Mudug iyo Galgaduud.

Waxaa xusid mudan ka dib markii uu hadli waayey madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali gaas in uu saxaafada ka hadlay Raysul Wasaarihii hore ee DFS Cabdiwali Shiikh isagoo sheegay in ay waxa maamulka loo samaynayo ay tahay Koonfurta Mudug iyo Galgaduud, wuxuuna intaas sii raacshay in aysan buuxin Sharuudii dastuurka waana sababtaa waxa ka hadliyey Xil Seed oo ay riixayaan Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo aad uga carooday hadalka RW hore.

Hoos ka dhagayso waraysiga xildhibaanka


Puntlandes.com

About The Author