Mogdisho iyo Halganka cawaale ee Dabargoynta Qaadka

Mr Cawaale ayaa  yimid dhawaan caasimadii dalkiisa hooyo ee Mogdisho halkaas oo si diiran oo aan lookala harin loogu soo dhaweeyay. cawaale oo uu kujira halgan adag oo lagu bad baadinayo,nolosha iyo caafimaadka iyo dhaqaalaha malaayiin soomaaliyeed oo daroogada loo yaqaano jaadku ay ugaysatay dhib aad u daran noloshooda,ayaa mudo ku hawlanaa sidii dalka soomaaliyeed guud ahaantii looga hortagi lahaa wax yeelada dhibta qaadka. waxa uu soomaray magalada caasimada labaad ee soomaaliya Hargaysa,waxa uu soomaray magaalooyinka badanaa puntland oo uu intaba ka wacyigalinayay dhibka qaadku ku hayo bulshadeena. dadbadan baan u aqoon qaadku in uu yahay nooc kamid ah maan dooriyaha daroogada nadiib daro balse baadhitaan lasameeyay ayaa culimada caafimaadku ku cadeeyeen inta ku jirta halkii marduuf oo ah nooc kamid ah daroogada waxaana la sheegay ilaa 6g oo ah nooc daoogada kokeenta ka mid ah ama lamid ah in laga helo qaadkana.waan wada ogsoonahay dhibka dhaqaale,caafimaad,sharafta shaqsiga,nolosha qoska iyo akhlaaqda bulshada inta uu dhibku hayo qaadku waawada aragnaa. waxaan qabaa in uu qaadku sii hurinayo dagaalada sokeeye iyo xasi looni darada dalkeena haysata sidaa daraadeed waxaa haboon in aynu uwada istaagno ka hortagiisa iyo joojintiisa oo bulshada la wacyi galiyo si jiilasha danbe uga badbaadaan.

Waxaa jira dawlado dano ku qaba in qaadku soogalo dalkeena ayagoo kahela malaayiin doolaar halka dadkeenu ku qabo khasaare iyo dhibaato uun dhanwalba leh.Aduunka majirto dawlad aan dadkeeda kala dagaalamin dhibaatada maandooriyayaasha balse dadkeena soomaaliyeed wali sifiican uuguma baraarugsanin baaxada iyo dhibaatada maan dooriyaha qaadku inagu hayo ayuu yiri cawaale.
Henkilön Abukar Awale kuva.

Puntaland iyo Qaadka 

Mar uu cawaale u bandhigay fikirkiisa ah in puntland ay xakamayso dhibka qaadku ku hayo shacabka oo uu wacyi galin aad ah sameeyay waxa runtii u istaagay aadna u soo dhaweeyay,culimada puntland,aqoonyahanka puntland,dhalinyarada puntland,odayada puntland wax garadka rag iyo dumarba iyo waliba inta badan maamulka puntland waana kumahad sanyihiin soo dhawayntii iyo wax isla fahamkii arinta ah dhibaatada qaadka iyo sidii looga hortagi lahaa oo dadka loowacyi galinlahaa. cawaale aad buu u amaanay shacabka sharafta badan ee puntland wuxuuna u rajaynayaa in ay u halgamaan mustaqbalka ay leeyihiin oo ah ubadkooda marhadii ubadkii mustaqbalkooda yahay waa in ay ka ilaaliyaan dilaaga u diidaya hormarka waxbarashada caafiimaadkoodana wiiqaya oo ah qaadka.

Run ahaantii cawaale dankamalaha siyaasada u gaarka ah madaxwaynaha puntland iyo madaxda kale ee dalkaba intaba duulaana kuma aha.ninkiise meel cidla ah ka didaa isagay utaal,runtaa waxay tahay qaadku markaad eegto sida uu bulshadeena ula falgalay in diiniyan ay xaarantahay cad oo nin inkirikaraa jirin.madaxwayne gaas kursigiisa mucaaradkuma ihi balse waxaan u rajaynayaa in uu fahmo in uu ajar farabadan ku helayo maalinta qiyaame haduu shacabkiisa kala dagaalamo maandooriye aan aduunkooda iyo aakhiradooda midna anfacayn sidaa daraadeed isaga gaas ahaan ayay anfacaysaa aduun iyo aakhiraba in uu kashaqeeyo arintaan. haduu kahoryimaadana isagay u xuntahay aduun iyo aakhiraba. hadaba dad yaroo si indha la aan ah utaageersan madax Wayne gaas ayaa arintii cawaale u adeegsaday qaab siyaasadeed ayagoo raba in ay ka dhex shaqeeyaan madax Wayne gaas iyo cawaale oo wax dhib ah oo shaqsi ahi dhex ool ayagoo iska dhigaya in gaas waxtarayaan balse wax yeelaya dhab ahaantii. xam xamna waaba maqlaynay ayaantaan reer garoowe kasoo yeertayee mindhaa waxbaaba kajira oo taageerayaashan ayaaba helay iyana indhoolayaasha ah!!!

loomana baahna in shacabka puntland dhexdooda iyo dawladaba dhib aan jirin loo raadiyo.cawaale waa nin utaagan danaha umada soomaaliyeed waana nin reer puntland ah jecelna had iyo jeer hormarkooda waana nin wada arin guud oo anfac u leh qaranka soomaaliyeed cid loo joojinayaana majirto cid gaar loogu dan leeyahayna majirto waa dan guud ee soomaaliyeed nina marabo in wiilkiisa iyo xaaskiisa iyo hoyaadii iyo walaashiii qaad cunto oo nolasha ka dhacdo nina majecla taas sidaa daraadeed waa in aynu meel uuga soowada jeed sanaa.ninkii madax Wayne kasoo horjeedaa hafurto xisbi mucaarad ah anagu qaad baan baacsanaynaa

yaan arimaha laysku qasin si xuna loo turjumin.

Mogdisho iyo Qaadka
Dadka soomaaliyeed ee dagan caasimada qaranka soomaaliyeed mogdisho si aad ah ayay uwadaan ololaha ka hortaga iyo wacyigalinta qaadka ayagoo dareen san cawaalana la qaatay fikirka ah in uu qaadku yahay mashaakilka uugu wayn uu bulshada soomaaliyeed haysta. runtii shacabka mogdisho waa shacab nool oo ka dhiidhiyaya wax yeelada qaadka si aan la arag oo la maqalna abid uugu istaagay wacyi galinta shacabka iyo ka hortaga qaadka hawshuna wali waa socotaa loomana kala harin shacab iyo dawlad madaxwaynaha fadaraalku xasan sheikh waa nin aqoon yahan ah runtiina aad buu usoo dhawaynayaa arintaan ah in dhibka qaadka umada laga wacyigaliyo waana arin soomaaliya ay dib ugu xusuusan doonto madaxwayne xasan sheikh iyo cidkastoo u istaagta halgankaan. maxaayeelay maandooriyuhu dhib badan buu ku hayaa caalamka dawlad walibana dadkeeda way kala dagaalamaysaa dhibkiisa. hawshu wali waa socotaa rajaduna waa fiicantahay soomaaliyeey u istaaga aayihiina dalkiina iyo dadkiina oo bad baadiya caruurtiina qaadku waa dilaa soomaali dabar goynaya.

W/Q: Yuusuf Cumar
Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author