BALANQAADKII 6da QODOB EE MADAXWEYNE GAAS MAFULAY(FAALO)

axaa Mahad oo dhan u sugnaatay Allaaha ina siiyay Caqliga wanaasan ee aan ku kala garan karo wanaaga iyo xumaanta, hadaynaan sheegin waxyaabaha dib udhaca inaku ah waxaa Xaqiiqo ah inaynaan gaarayn Hamigeenna fog iyo Himiladeenna dheer.

Qormadaan waxaan ku eegi doonaa 6 Qodob oo Balanqadkii Madaxweyne Gaas Saldhig u ahaa, waxaanna usoo bandhigi doonaa Laba Laba Qodon:

Balanqaadkii Gaas ee Amaanka iyo Mushaarka maxaa ka fulay aan eegno 2 Qodob oo u horaya:

waxaa Mahad oo dhan u sugnaatay Allaaha ina siiyay Caqliga wanaasan ee aan ku kala garan karo wanaaga iyo xumaanta, hadaynaan sheegin waxyaabaha dib udhaca inaku ah waxaa Xaqiiqo ah inaynaan gaarayn Hamigeenna fog iyo Himiladeenna dheer.

Madaxweyne Gaas oo Aqalka Puntland looga taliyo Si Rasmi ah u fariistay 14-1-2024, Waxuu Balanqaadkiisi ugu damayay ka jeediyay Xaflad Balaaran oo isla habeenimadii ka dhacday Madaxtooyada Puntland taaso ay kasoo qaybgaleen Madax, Isimo,Dublamaasiyiin Beesha caalamka ah,Culimo,Ururada Bulshada iyo Martisharaf Kaladuwan.

Madaxweyne Gaas waxuu Goobta ka sheegay Balanqaadyo farabadan hase ahaatee waxuu Balanqaadkiisa habeenkaas Saldhig uga dhigay 6 Qodob kuwaas oo sidookale Ololihiisi Murashaxnimad Cagta meeshuu dhigaba ka balan qaadayay isla Qodobadaan intooda badan:

1. Amaanka

2. Mushaarka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawladda

3. Cadaaladda

4. Dib u habaynta Ciidamgada iyo Shaqaalaha dawladda

5. Dib u habaynta Dhaqaalah

6. Iyo Shirweyne Qaran oo Beelaha Puntland ku abtirsada loo qabanayo ah 6 Bilood gudohood.

Hadaba maxaa ka hirgalay bal aan eegno inagoo innagoo Amaanka ku hormarayno:

1. Amaanku waxuu ahaa mid laga wada dheregsan yahay maalintuu Xilka lawareegay M Gaas mana rabo inaan faah faahin kasii bixiyo lkn 1 Sano iyo 4 Bilood kadib waa sideeh.

·         Laba bilood kamasoo wareegin markii ladilay Taliyihii Buraleeyda Galgala Col Jamac Warsame (Afgaduud)17-3-2014.

·         Laba Shaqaalaha Qaramada midoobay ka tirsan gaar ahaan Hay’adda UNODC waxaalagu dilay Araboorka Galkacayo 7-4-2014. Xilli uu Galkacayo Booqanayay M Gaas

·         Taliyihii Qaybta Gobolka Bari Col Cabdirixmaan Cali Cabaas (Muslim)Waxaa Qarax Ismiidaamin ah lagu dilay 4-8-2014.

·         Taliyihii Madaxtooyada Bosaso Gaashanle Sare Abshir Maxamed Faarax (Gaaldile)waxaa ladilay 24-5-2014.

·         Taliyihii Laanta Canshuuraha Gobolka Mudug Duraan Cumar(Qayle) waxaa Qarax lagu dilay 1-3-2015.

·         26-4-2015, Waxaa Xarunta FAO lagu Qarxiyay Shaqaale katirsan Qaramada midoobay halkaas oo 3 Somali ah iyo 4 Ajaanib ah ku geeriyoodeen halka dhaawac intaas kabadanna uu jiray.

·         7-4-2015, waxaa Magalada Galkacayo ka dhacay Qarax lala eegtay Gudoomiye kuxigeenka G/Mudug Axmed Muse Nur halkaa ku dhaawacmay 8 Ruux oo Rayid halka tira intaas kayarna ay ku Geeriyoodeen

·         Intaas waxaa dheer Qaraxyo iyo weeraro Al-shabab ku qaadeen Saldhigyo iyo Bara kantarool oo u badnaa Magalada Bosaaso.

·         5-4-2014, waxaa Xabsiga Bosaso ka baxsaday 15 Xubnood oo Al-shabab iyo Burcad badeed isugu jira

·         Silamida sidaas waxaa 8-4-2015, Xabsiga Weeyn ee Garowe ka baxsaday 7 Xubnood oo isugu jiray 4 Xubnoodoo Al-shabab ah,2 Burcadbadeed ah iyo 1 Gacanku dhiigle xiraa ah, xilli waliba uu maalintaas Xabsiga Booqanayey Madaxa Hay’adda UNODC u Qaabilsan Somalia oo Gacanta ku Haysa Xabsigaas.

·         Amaanka Guud ee Puntland maaha mid wanaagsan oo waxaa jira Cabsi badan oo dhanka Al-shabab, Burcad badeed, Somaliland iyo Maamulka Gobolada Dhexe oo Gobolka Mudug si fudud u meel marsaday.

 

2.Mushaarka Ciidamad iyo Shaalaha Dawladda.

Mushaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha Dawladdu waa mid Cabashadiisu jirtay tan iyo intii xukuumadaani timi waxaana ciidanka iyo shaqaalaha Mushaarku ka maqanyahay inta u dhexaysa 11 Bilood ilaa 5 Bilood, waxaan ajiray Marar badan oo ciidamadu ka gadoodeen Mushaarla’aanta haystah Tusaale ahaan:

·         5-7-2014, waxa Ciidanka Daraawishta oo ku sugnaa Xerada 54aad,Ka Gadoodeen Mushaar xumo xiligaas ay sheegeen inay gaarayso 4 bilood iyagoona Madaxweynaha Xerada ka ceshay xili uu rabay inuu booqdo halkaas.

·         25-1-2015, waxaa Ciidanka Madaxtooyada Bosaso oo ka Gadoodsan Mushaarla’aan Madaxtooyada ku Xanibeen Madaxweyne Gaas oo xiligaas ku sugnaa madaxtooyada waxaana markii dame soo dhexgalay oo dhamayay hawshaas Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaac PL Sareye Guuto Sacid Dheere iyo Taliye kuxigeenka Booliska Gen Muxiyadiin.

·         Waxaa dhawr goor iyana Gadooday oo faarujiyay Ciidanka Difaaca kaga jira Buuraleeyda Galgala Mushaarla’aan ay ka cabanayaan awgeed.

·         23-12-2014, Marwada Madaxweyne Gaas Drs Hodon Saciid ayaa kulan ku qabatay Magaalada Garowe kulankaas oo ay ugu magac dadhay Caawi Ciidankaaga ayna sheegtay in muhiimadda kulankaani yahay sidii Qaaran loogu ururinlahaa Ciidamada Puntland taasoo ku tusinaysa heerka Dayaca Ciidanka Puntland gaarsiisanyahay.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA SARAAKIISHII LA DILAY IYO GOOBIXII LA QARXIYAY

2044
col-jamac-saciid-warsame

   

2044a
Col muslim
2044b
Shaqaalihii Un ta ee lagu dilay Gaalkacyo
2015
Qaraxii Garowe ee lagu laayey shaqaalah UN ka

     Lasoco Qaybaha Dame

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author