Abukar Cawale Qaad-diid ”marna ha is oranina madaxda iyo masuuliyiinta lama dhaliili karo dastuuriyan xaq baad u leedihiin”

Abuukar Cawaale Qaad-diid ayaa ka hadlay eedayntii ay dusha uga tuureen Taageerayaasha madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, taasoo noqotay mid ay caado ka dhigteen inay aflagaadeeyaan muwaadinkii cabira aragtidiisa waxna ka dhaha sida uu Puntland hogaaminayo madaxweyne Gaas.

Abukar Cawale Qaad-diid ayaa yiri mar uu la hadlayey Shacabka reer Puntland isagoo xusuusinaya xuquuqda Dastuuriga ah ee ay u leeyihiin in ay cabiraan Rayigooda  ”marna ha is oranina madaxda iyo masuuliyiinta lama dhaliili karo dastuuriyan xaq baad u leedihiin”

Hoos ka akhri jawaabta uu ka bixiyey Abuukar Cawaale Qaad-diid eedayntaas iyo isagoo la hadlaya inta jecel in Soomaaliya laga dabar gooyo Qaadka oo Aafeeyey Bulsho waynta Soomaaliyeed haday noqon lahayd Dhaaqle, Caafimaad iyo Arimo Bulsho.

Qoraalkan ayuu Abuukar Cawaale Qaad-diid soo dhigay bartiisa Facebook ga wuxuuna u qoray sidatan hoose:

 

ASC Dhamaan dhalinyarada ‪#‎Puntland walaalayaal waxaad la socotaan dhaliilaha la iisoo jeediyey kuwaasoo beryahaan dhexyaacayey baraha lagu kulmo, dabcan dhaliil waan yeelan karnaa waana soo dhaweeynayaa tallada iyo tusaaleeynta dadweynaha laakiin ogaada ineey jiraan dad badan oo raba ineey ollolaha jilaafeeyaan , kuwa raba ineey siyaasadeeyaan, iyo kuwo cuna oo ka faaiideysta xasarada buuqa lagu furay ollolaha.

 

Walaalayaal waxaan idinku boorinayaa ineeynaan marna ujoojin dadka raba inuu olloluhu joogsado oo aan marna lagu dhiiran in lagu dhawaaqo in qaadka wax laga qabto.
Xagxagasho Aflagaado, eedeyn been ah, intaba waad arki doontaan Waxaana layska rabaa adkaysi, dulqaad in YOOLKA loo jeedo indhaha lagu hayo.

Fadlan marna ha is oranina madaxda iyo masuuliyiinta lama dhaliili karo dastuuriyan xaq baad u leedihiin inaad eedeysan cidii eedeyn Mudan. …

Waa inoo kulankeena labaad hadii alle idmo iyo Mustaqbalka dhow.

Balankeenu waa shaqo..

Guuleysta

..2043a

https://www.facebook.com/abukar.awale?fref=ts

Puntlandes.com

 

About The Author