Baroortu Orgiga ka weyn! Shirkii jaraa,id ee Xassan Sheekh iyo Cabdiwali Gaas

Mar aan shalay dhageysanayey shir saxaafadeedkii Madaxwaynayaasha Soomalia iyo Puntland, baa waxaa isoo jiitay laba weerood oo ay ku kala sheegeen hadaladoodii.

Madaxwaynaha Puntland baa wuxuu yiri sidatan. ” Waxaan rabnaa in aan Soomaaliya Ka qaadno meesha ay taal oo aan geyno meesha ay istaahisho”. Aniga taasi waxay iila muuqatay riwaayad si cajaa,ib ah loo jilay!!!.

Saa madaxwaynaha Soomaalia baa wuxuu yiri ” wax badan baan taagneyne waa in aynu dhaqaajinaa dawladnimada Soomaaliya, oo aan dhisnaa dawlad waddankoo dhan ka shaqaysa oo la wada leeyahay” taasina waa cajaa,ib kale!!!.

Labadan nin kuma cusba dadka Soomaalida ah oo qofwalbaa waa yaqaanaa sida ay dhab ahaan yihiin iyo marka laga tago oraaho sidan oo kale ah ficilkoodu sida uu yahay.

Tan madaxwaynaha Puntland, maadaama aan qoraalo farabadan ka samaynay waan soo gaabinaynaa ka  faaloodka oraahdiisa. Soomaalidaa waxay ku maah maahdaa ”Ninkii tiisaba daryeelaa tu kale ku dara” Waxaan waydiin lahaa madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, bal marka hore in uu meel ku sheego, meeshuu ku ogaa waddankii isaga loo dhiibay?? Waxaan kawadaa Puntland:tan ninba cadka goosanayo tan iyo intuu qabsaday oo aan cidina yac ka oranayn, taas oo ay u dambaysey Somaliland oo shalay dhex mushaaxaysey Taleex.

Misse waa baroortu orgiga ka weyne, nuxurka hadalka dulucdiisu wuxuu  ku biyo shubayaa  boorsada  uu wato Madaxwaynaha Soomaalia Xassan Sheekh??

Haddaan u soo noqdo oraahda Xassan Sheekh, hor u socod la,aanta dawladlimada Soomaaliya sow issaga iyo saaxiibadiis ”Damjadiid” mas,uul kama ahayn?? Dawladdase lawada yeelanayo sow iyaga hore loogama waayin??

Haddaan dib ugu noqono wakhtigii Puntland ay dhabta ka ahayd in ay dawladnimada Soomaaliya wax ka dhaqaajiso oo Xassan Sheekh lagu casumay Garoowe Apr 28, 2013  muddo shalay laga joogey 2 sano  oo gaw ah. Sow tii lagu kala kacay wada hadalkii dhabta ahaa. Isagoo diidey in uu dastuurkii lagu heshiiyey dib ugusoo laabto.

Sowtii laga waayey in ay maroorsiga awoodeed iska daayaan iyo hawsha qaran ee ay kaligood iska maamulanayaan. Xataa intuu joogey Puntland Cabdiwali Gaas, shuruudihii lagu xiray markii ay bulshada Puntland keceen. Oo ay ka mid ahayd meel saarida maamul u samanyta koonfurta mudug Iyo Galguduud in uu si cad u diidey oo hadeer malinkuu shir kusheegaas furayey uu lahaa waa laba gobol oo buuxa.  Waxaa taas dheer eryidii ra,iisul wasaarihii ugu wax qabadka badnaa tan iyo wixii ka denbeeyey burburka. Oo sababta kaliya ee lagu eryey ay ahayd tegidiisii Puntland iyo Cadayntii in waxa maamulka loo dhisayaa ay tahay koonfurta Mudug iyo Galguduud iyo waliba in uu shaqada ka  bedelay  mid ka mida saaxiibada Xassan Sheekh. Sababta looga bedelayna ay ahayd in uu boqol goor, ku tuntay sharcigii dadku ku heshiiyey oo ay ka mid ahayd bedelaadii gudigii garsoorka, abuuristii gudiga waxa loogu yeeray dibu habaynta dastuurka (taas oo reer puntland ku baraarugeen in uu Gaas wax ka ogaa goortii lagu dhawaaqay ka dib), ku talagalkii aah in lagu dhawaaqo gudiga xadaynta dawladaha xubnaha ka ah federaalka. Bedelaada ninkaasi waxay galaafatay xukuumadii oo dhan, taas oo Xassan Sheekh u bur buriyey xukuumadaas danaha gaarka ah ee kooxdiisa

Waxaa taas dheer musuqmaasuqa iyo boobka deeqihii Soomaaliya loogu deeqay, taas oo aan aniga cadayn iiga baahnayn oo gaartay illaa iyo golaha amaanka.

Sheekadu waa baroortu orgiga ka weyne. Maxay tahay ulajeedka labadan nin ee maanta? Mar haday ku sifoobeen sida aan kor ku soo sheegnay.

Aragti ahaan aniga waxay iila muuqataa in lagu shirkoobay boob kale iyo hagardaamooyin hor leh oo loo maleegayo shacabka Puntland iyo Soomaaliya.

Waa midee Xassan sheekh wuxuu rabaa in uu si fudud uga iibsado Cabdiwali Gaas ”mandate” kale oo cusub. Illeen waa la og yahay in aan wakhtiga dhiman lagu qaban karin doorasho. Waxa loo barooranayaana ay tahay oo kaliya in dadka Puntland iyo soomaaliya  la isaga dhigo kuwo hadda soo dhashay (Ninbaa waxaa laga sheegay ”waxaasaaye iyo nin aan ku aqoon indhaha isugu qabqabo”  waaba  haddan la aqoon nimankan is oohinaya.

Hadii la is waydiiyo su aasha ah bal Xassan garanaye Cabdiwali Gaas issagu muxuu ka faa,iidayaa qorshan.

Aniga waxay ila tahay in uu ka helo xoogaa yar oo kharash ah oo uu ku iibsado  HEESO AMAAN AH IYO ”PAINTING” AMA MASAWIR AMAAN AH SIDA KAN HOOS KA MUUQDA.

2045

 

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author