XOG:M/weyne Xasan iyo M/weyne Gaas oo kala diray Ergadii Cadaado ee maamul u sameynta Maamulka Gobolada-Dhexe

Gudiga Farsamadda ee shirkii maamul u sameynta Gobolada-Dhexe ayaa kala diray Ergadii loogu tala-galay inay dhameystiraan Maamulka Gobolada-Dhexe.

Gudiga ayaa ku doodaya si loo xalaaleeysto magaca Mudug in loo baahan-yahay in lagu quruxsaddo Dad magac u yaal oo Puntland ka soo jeedo,si loogu doodo Gobolka Mudug in lagu daray Gobolka Galgaduud.

Falka Degmadda Cadaado ka dhacay ayaa Tooshka Wareeha ee Sh-Media xog ku helay  inay ka dambeeyaan  Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Culusoow iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kala diritaanka Ergadda Shirka oo muddo 1-sanno ah hawshoodii soo socotay,balse hadda la soo magacaabi-doono Ergo-cusub oo ay Culusoow iyo Gaas doonayaan inay ku soo daraan Dad metela Waqooyiga-Mudug ee Puntland si shirka Cadaado loogu xalaaleeyo Gobolka Galgaduud in la raaciyo Mudug.

Hadaba amar ka soo baxay Garoowe ayaa lagu amray Quful iyo Sakatuurad in lagu dhajiyo Qolalkii jiifka ee ay deganayaan Ergadda,iyadoo Miisaskii iyo kuraasihii lagu fariisan-kahaana bakhaar lagu xareeyay.

Ergadda oo boorsooyinkooda gacanta ku laa-laadinaya,ayaa la arkayay,iyagoo Hoteeladda Cadaado jiif weydiisanaya,waxaana durba qaaliyoobay sicirka Hoteeladda lagu seexdo,waxaana la filayaa maalmaha soo socda Ergadda qaarkood inay dib ugu laabtaan Muqdisho oo badankood laga soo aruuriyay.

Qolalka laga qufushay Ergadda la kala diray,ayaa la filayaa in lagu soo xareeyo 300-Erggo oo cusub oo gacantaag ku dooran-doono Madaxweynaha dooran ee C/kariin Guuleed Suujino.

Waxaa xusid mudan kala diritaanka Ergadda Cadaado oo muddo sanad ah loo fadhiyay shirkan,marar badan la isku khilaafay goobta Maamul u sameynta Gobolada-Dhexxe,ayaa kala diritaankooda maanta wuxuu ku soo aaday,booqashadda Madaxweynaha Daladda Federaalka Xasan Culusoow ku soo gaaray Magaaladda Garoowe,waxaana isaga iyo saaxiibkiis Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ay ka shaqeynayaan si shirka Maamulka Gobolada-Dhexe guul ugu dhamaado,in Ergo Mudugta Puntland ka socota shirka lagu ka-kabo,kadibna loo xalaaleeyo Mudug iyo Galgaduud in la is-raaciyo loona sameeyo Maamul uu Madaxweyne ka yahay C/kariin Guuleed(Suujino)oo ay taageersan-yihiin Madaxweyne Xasan iyo Madaxweyne Gaas.

Xigasho:Shacabmedia

About The Author