DEG DEG-DHAGAYSO: Maxadweynaha DFS oo sheegay magac ahaan uu Gobolka Mudug uga tirsanaanayo Gobolda Dhexe

Xaflad uu Xalay Gaas ugu qabtey aqalka madaxtooyada Puntland madaxda ka qayb galeysa shirka wadatashiga ayaa Madaxweynaha DFS khudbad uu ka jeediyey wuxuu kaga hadley sida uu  arko gobolka Mudug iyo mowqifkiisa ku aadan kulanka Cadaado.

Madaxweyne Culusoow ayaa sheegey in maamulka Puntland uu sheegto Gobolka Mudug, maamulka laga dhisayaa Cadaadana uu sheeganayo Gobolka Mudug in uu iyaga ka tirsan yahay.  Maxweynaha DFS ayaa wuxuu intaas ku sii daray in ay fiicnaan lahayd in dadka Waqooyiga degaahina ay sheegtaan inay ka tirsan yihiin maamulka Gobolada dhexe isagoo ula jeeda in ay dhuukoodii ka noqonayaan dad degen Hotel ay seexdaan ama xero qaxooti maadama Gobolka Mudug uu ka tirsan yahay maamulka Gobolda Dhexe loo samayanayo.

Madaxweyne Culusoow oo dadka Waqooyiga Mudug ee Puntland ku guubaabinaya maamulka cusub ayuu intaas sii raacshay ma ahan tuhunkii iyo Cuqdadii in la sii wado…

Waxaan wali si fiican u toosin shacabka Puntland gaar ahaan kan Gobolka Mudug oo aan ku baraarugsanayn in madaxweyne Gaas iyo Culusoow heshiis ku yihiin in Gobolka laga jaro Puntland

Halkan ka dhagayso Madaxweynha DFS


Puntlandes.com

About The Author