AQOONYAHAN SAYID BASHIIR “WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII DR GAAS IS CASILI LAHAA”

Baraha Bulshadu ku kulanto ee facebook ayaa waxaa maanta ilaa caawa Bulsha reer Puntland oo aad uga Xumaatay wixii maanta ka dhacay Garowe oo ay si toos ah u diideen DFS in Gobolka Mudug uu ka tirsan yahay Puntland ka doodayeen Qoraalo aad u badan oo lagu dhaliilayo madaxweyne Gaas oo gabay xilkii loo doortay ee ahaa Hogaaminta Puntland, kana doorbiday in uu Qanciyo una fuliyo rabitaanka Kooxda Dam Jadiid ee madaxweyne Xasan shekh.

Qoraalada badankooda waxaa lagu sheegayey in la gaaray xiligii uu Gaas ka hor wareegi lahaa Puntland ayna ku haboon tahay in uu iscasilo inta goori goor tahay. Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay idiin soo gudbinaysaa qoraal uu qoray Aqoonyahay Sayid Muxaafid, hoos ka akhri qoraalka.

 

WAXAA LA GAARAY WAKHTIGII DR GAAS IS CASILI LAHAA

Madaxweynaha Puntland Abdiwali Gaas Siyaasada Puntland Waa Uu Ku Fashilmay Waxaana Lasoo Gaaray Wakhtigii Uu Is Casili Lahaa

Hadii Maanta Wiilasha Martida Ah Ee Muqdisho Nooga Yimi Nagala Doodayaan Sida Laga Yeelayo Dadka Deegaanada Mudug, Waxaa Muuqata In Dr Gaas Maamul Iyo Maarayntiisa Toona Waxba Ka Aqoon.

In Xassan Sheekh ‘Been Qoslaysa’ La Casuumaa Qalad Ahayd

In Xiriir Wada Shaqayneed Maamulka Federalka Lala Lahaadaa Qalad Ahayd

In Wasiir Cali Xaaji Shir Macno Daro Ah Nairobi Loogu Diraa Qalad Ahayd, Iyadoo La Wada Ogyahay Ninka Ugu Mowqifka Cad Ee Xukuumadaan Inuu Yahay

Waxaan Aad U Bogaadinayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Siciid Xassan Shire Oo Maanta Cadeeyey Inuu Isagu Leeyahay Masuuliyada Shacabka Puntland, Dastuurkaan Xassan Walaaqanayana Uusan Ahayn Mid Dalka Ka Shaqayn Doona.

DR GAAS WAXAAN KA CODSANAYNAA INUU DIYAARADA XASSAN HORAY UGU SII RAACO MUQDISHO, MAADAAMA UU SIYAASADA FEDERALKA RAJO KA QABO.

Xigasho: https://www.facebook.com/sayid.cumar.96?fref=ts

About The Author