Shirkii Garowe u furmay DFS iyo Maamulada oo Cakiran iyo Isimada Nugaal oo ku casuumaday maanta wafdiyada Beeraha JIBIGALLE

Shirkii Garowe uga Furmay DFS iyo Maamulada dalka oo isagoo aan wax natiijo ah laga gaarin maalinka berito ah Weftiyadu Boorsooyinkooda ka qaadanayaan Caasimada Garowe. Shirka oo laba fadhi oo lagalay lagu kala kacay kadib markii Puntland iyo DFS isku Qabteen Marka hore Qodobada laga doodayo ayaa Fadhilku dhamaaday.

Dhanka kalena waxaa maanta Beeraha JIBIGALLE Weftiyada DFS iyo Maamulada ka kala socda Casuumaad ugu samayay Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Saciid Maxamed Garaase

Xog hoose oo ay heshay Puntlandes ayaa sheegaysa in Caawa
Madaxweye Xasan Sheikh iyo Madaxweye Gaas ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan arinta shir Cakirisay ee Gobolka Mudug warar hoose oo Gaas laga helay ayaa sheegaya in waxyaabaha kulankaas Gaarka ah ay uga wada hadlayaan uu yahay sidii loogu guulaysan lahaa in Gobolka Mudug la raaciyo  maamulka Cadaado ka dhalan doona.

Isku soo wada duuboo lama oga ilaa iyo iminka waxa ay Masuuliyiinta DFS iyo kuwa Maamuladu warbaahinta u sheegi doonaan Shirka Jaraaid oo ay Qabanayaan inta aysan Garowe ka Dhoofin.

Wixii war ah ee ku soo kordha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author